Somaliland oo ka jawaabtay eedeentii uga timid Puntland.
Posted by ifraax on June 03 2018 21:46:02

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka jawaabay eedo uga yimid maamulka Puntland ee Soomaaliya oo sheegay in kooxaha argagixisadda.


Extended News

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka jawaabay eedo uga yimid maamulka Puntland ee Soomaaliya oo sheegay in kooxaha argagixisadda ee Galgala ka dagalamay inay taageerto Somaliland.


Somaliland ayaa eedaasi ku tilmaamay mid caado ka noqotay Puntland oo horeba ugu eedeen jireen argagixiso, haseyeeshee waxa uu xusay in Puntland kooxahaka jira Galgala ay saylad dhaqaale kaga doonto dalalka Reer galbeedka iyo Maraykanka.

“Waxaan bulshada soomaaiyeed iyo aduun weynaha u sheegaynaa in Somaliland siyaasadeeda iyo hogaaminta hadda iyo horaysaba marnaba aanay ku jirin inay dal ay jaar yihiin ay u abaabusho ama kala qaybgasho kooxaha argagixiso ah, waa arrin aan raad lahayn anaga aan na qaban waaa arrin iyaga caado u noqoto inay mar walba arrimahaasi ku eedeyso Somaliland “ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Wasiirka oo sababay sababta Puntland ugu eedeynayso Somaliland waxa uu yidhi “kooxaha Galgala ka dagaalamaya qoladan Puntland saylad bay u tahay ay kaga iibsadaan dawladaha reer galbeedka iyo Maraykanka inay la dagaalamayaan qolo la yidhaahdo Alshabaab oo Galgala degan, dadka meesha degan waa dadka deegaankooda ah oo dad Somaliland u dhashay oo madax ka ahi ma joogaan”.

Kooxda Al shabaab ee ka dagaalama buuraha Galgala ayaa shalay weeraray saldhigga Ciidamada Badda Puntland ay ku leeyihiin degaanka Balli Khaddar ee gobolka Bari.

Hargeysa Online