Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis Gaaray
Posted by abdi on June 16 2018 22:45:39

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta isla gaaray heshiis ay dowlada Itoobiya ku maalgashaneyso afar dekedood oo ku yaalla Soomaaliya.


Extended News

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta isla gaaray heshiis ay dowlada Itoobiya ku maalgashaneyso afar dekedood oo ku yaalla Soomaaliya.


Heshiiskan ayaa ka danbeeyay kadib marki uu maanta magaalada Muqdisho booqday Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

War-murtiyeed ay si wada jir ah magaalada Muqdisho uga soo saareen madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayay ku heshiyeen qodobo ka koobnaa 16.

Labada hogaamiye ayaa war-murtiyeedkooda ku yiri “Si loo soo jiito loona kasbado maalgelin caalami ah oo ay helaan labada waddan iyo Geeska Africa, ayay hogaamiyaasha ku heshiiyeen in si wadajir ah ay u maalgashadaan afar dekedood oo muhiim ah oo ku yaalla Soomaaliya.”

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in la dhiso wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dhulweynaha Itoobiya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale hirgelinta heshiiskan u saaray guddi farsamo oo si dhaqso ah u billaaba dhaqaajinta howshan.

Qodobadda kale ee ay ku heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah in labada waddan uu midkoodba midka kale ixtiraamo madaxbannaanidiisa, sharafta dhulkiisa, iyo xorriyadda dhanka siyaasadda.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha argagaixisada, waxaana ay labada mas,uul si wadajir ah u cambaareeyeen ficil walba oo ku leh leh argagxisannimo.

Abiy Ahmed iyo wafdigiisa ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Waa marki ugu horreysay oo uu Muqdisho yimaado Abiy tan iyo marki loo magacaabay xilka Ra’isulwasaaraha.

Waxaa horay Muqdisho u tagay Ra’isulwasaarayaashi isaga ka horreeyay ee Meles Zenawi iyo Heylumariem Disalgne.

 

Hargeysa Online