Diyaarado duqeyn ka fuliyay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
Posted by ifraax on June 17 2018 23:30:56

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad dhanka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab.


Extended News

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad dhanka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab khasaare lagu gaarsiiyay duqeynta laga fuliyay deegaanka Ceel-Cadde iyo deegaanada kale ee hoos yimaada magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.


Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in wax yeello kala duwan duqeyntaasi lagu gaarsiiyay dagaalamayaasha Al-shabaab balse aysan xaqiijin karin inta ay gaarsiisan tahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in in todobaad deegaan 10km u jira Garbahaareey lagu weeraray dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo sida uu hadalka udhigay dad danyar ah ka qaadanayay xoolihii ay dhaqanayeen, islamarakaana goobta lagu dilay Lix ka mid ahaa kooxihii halkaa ku sugnaa.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu danbeeyayba howlgalo ballaaran ka wada deegaanno hoostaga maamulka Jubbaland.


Hargeysa Online