Shacaka reer Somaliland waxaanu leenahay waxaanu u rajaynay nabad horumar isu tanaasul barwaaqo colaad la,aan dhiig somaaliyeed oo aan la daadin walaalnimo.
Bismillaahi Arramanirraxeem.
Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Annaga oo ah odayaasha jaalidaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska
Waxaanu tahniyad qiima badan xambaarsan u dirayna munaasibadda ciidul fitriga awgeed umadda islaamka gaarahaan ummada Somaaliyeed siiba shacaka reer Somaliland waxaanu leenahay waxaanu u rajaynay nabad horumar isu tanaasul barwaaqo colaad la,aan dhiig somaaliyeed oo aan la daadin walaalnimo iyo wada dhalashada oo la tixgeliyo hoggaan caadil ah dadkiisa ururiya oo aan daallim ahayn daris wanaag iyo diinta oo lagu dhaqmo
Annaga oo uga faaiidaysanay munaasibadda ciidul fitriga
Waxaanu ku talina lahayn in ay madaxda dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka dawladda somalileed ee puntland colaadda aan loo baahanayn joojiyaan kursi ay dhiig ku daadiyaanna aanay ku fadhiisan sharafta somalinimadan aanay ceeb ka dooran
Arrinta ceel afwayn waxaa jooga rag madax ah oo caqligooda aan lagu ciyaari Karin cid walbana iska xiga meelna aan kala tagayn walaalkaa oo kaa durugsan waxaa kuu dhaama jaarkaaga
Talo soo jeedin
Ciid mubaarak
Oday Deeq Cabdi Digale