Col Gabre oo ay shaqadii IGAD ay ka ereday iyo Faahfaahin.
Posted by abdi on June 25 2018 20:43:23

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee urur gobolleedka IGAD ayaa lagu sheegay in shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Urur gobolleedka.


Extended News

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee urur gobolleedka IGAD ayaa lagu sheegay in shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Urur gobolleedka laga saaray Col.

 

Gabre ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee xog-hayaha Guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sanad ka hor.


Sarkaalkan oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa siweyn looga garanayaa guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyay dowladdihii soo maray dalka gaar ahaan laga soo bilaabo sanadkii 2006dii, waqtigii oo ay dalka soo galleen ciidamadii Itoobiya.

Hargeysa Online