Shirkii Buurta Gacan Libaax Oo La Soo Gabagabeeyey iyo Qodobada Ka Soo Baxay iyo Beelihii lagu soo Casuumey.
Posted by abdi on July 01 2018 22:51:40

Shir Tobankii Maalmood ee La Soo Dhaafay Buurta Gacan Libaax uga socday Mid Ka mid ah Beelaha Ugu Balaadhan Somaliland ayaa maanta si rasmi ah loo soo gunaanaday.


Extended News

Shir Tobankii Maalmood ee La Soo Dhaafay Buurta Gacan Libaax uga socday Mid Ka mid ah Beelaha Ugu Balaadhan Somaliland ayaa maanta si rasmi ah loo soo gunaanaday.

 
Shirkan oo intii uu socday Bulshadda Somaliland si weyn natiijadiisa ugu dheg taagaysay ayaa waxa laga soo saaray 8 qodob oo loo arkay in ay yihiin kuwo bud dhig u ah somaliland.


1.    In Midnimada In Garxajis ay ka tahay midka koowaad .
 2.   In Saami qaybsiga dawlada uu yahay mid aan cadaalad ku dhisnayn
 3.  In Qootada qandaraasyada dalka   cid gaara ah la siiyay

 4.  In Sinaanshiiyo laan ay beeshu
 ku tirsaneyso  shaqaalaha dawlada, ciidamada , saraakiisha ciidamada iyo waxii la mid ah

 5. In beelaha Somaliland oo dhan lala shiro si dib loogu soo noqdo Axdi qarameedkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay

 6. In la furo dastuurka dalka si beelaha darafyadu uga Qaybta qaataan dawlada Hogaanka dalkana loogu sinaado

 7. Beeshu waxay cadaynaysaa in labadii xukuumadeed ee iska dambeeyay Aanay dhex ka ahayn colaaada Ceel Afweyn ,Waxaana ay ku eedeeyeen in qaaar ka mida wasiirada xukuumada Muuse sii hurinayaan colaaadaaas

 8. Waxaanu ka digaynaa in Beesha lagu sheego Qaran Dumis, maadaama beeshu ahayd bud dhigii xoraynta dalka dad badana kaga dhinteen.

Gudida qabanqaabadda ee shirkaasi ayaa Maalintii jimcihii ku soo marti qaaday Madax dhaqameedka Beelaha Somaliland dega badhkood.

Madax dhaqameedka Beelaha lagu soo marti qaaday ee shirkaasi ka qayb gashay ayaa kala ahaa.

1- Madax dhaqameedka Beelaha Harti

2- Madax Dhaqameedka Beelaha Gabooye

3- Madax dhaqameedka Beelaha Samaroon

4- Madax dhaqameedka Beelaha Ciise

5- Madax dhaqameedka Beelaha Warsangeli

6- Madax dhaqameedka Beelaha Magaado

7- Madax dhaqameedka Beelaha Ayuub

8- Madax dhaqameedka Beelaha Arab.

9- Madax dhaqameedka Beelaha Sheekhaal

Madax dhaqameedka beelahan ka qayb Galay shirkaasi ayaa Khudbadihii ay halkaasi ka soo jeediyeen ku sheegay in ay la dhacsan yihiin qodobada ka soo baxay shirkaasi iyo waliba natiijadda ka soo baxday.

Waxa ay u balanqaadeen in ay la shaqayn doonaan Beelahaasi uu shirku u soo dhamaaday isla markaana ay ka markhaati furayaan in ay ka mid yihiin beelaha salka u dhigay qaranimada, sidoo kalena tiir dhexaadka u ah.

 

Hargeysa Online