Guuxa Bulshada Awdal Gaagaabsiga Siyaasiyiinta iyo Gama madaxwayne Muuse
Posted by abdi on July 07 2018 22:30:15

Dawlada  somaliland   waxa  ay hada   maraysaa   madaxwaynihii  shanaad      ee  isku badala   Doorasho   waxa  ka dhacay somaliland.


Extended News

Dawlada  somaliland   waxa  ay hada   maraysaa   madaxwaynihii  shanaad      ee  isku badala   Doorasho   waxa  ka dhacay somaliland     sadex doorasho  oo  ay isku soo  badalee   sadex mada wayne oo ay   kala  ah 1.  Madax wayne  Daahir  Rayaale   oo  la soo  doortay  2.  Madaxwayne  Axmed  Siiraanyo    oo   badalay  Daahir  Ryaale  3.  Madax waynaha   maant ee  muuse Biixi  Cabdi     oo  Badalay  Madx wayne   siiraanyo . madaxwaynayaashaasina   ka horeeyay  madaxwayne biixi  waxay la socon jireen waaqica  bulshada   ka dhex jira    waxayna  soo magacaabi jireen  siyaasiyiin  ku haboon  .Hadaba   akhriste    waxa   igu  kalifay    in aan maanta   qoro  qormadan    waxa    aan   aad  ula yaabay qaabka    iyo   hab dhaqmeedka   dawlada     muuse   biixi     madaxwayne   adigu  waxad kaga jirtaa    qasriga   madaxtooyada oo  warba  uma  haysid  xaalada    ka dhex jirta   shacabka  dhexdiisa   shacabka  reer  awdal  aad  ayay kaaga  yaabanyihiin   .Madaxwayne   haba yaraatee  ma jirto  qof siyaasiya  oo  reer  Awdal  ah oo qancin kara   bulshada   reer   awdal   waanad  arkaysaa     wax yabaha  hor dhaca ah  ee  soo  bax baxaya    kala hadalka   halkaana  madax wayne waxa  ka muuqata  in uu  jiro   gaab   meeshaa  waxa ka maqan    xidhiidhkii   madaxtooyada    iyo  reer  awdal      .Madaxwayne    muuse   ma hayno  siyaasigii   adiga  iyo  reer  awdal idin xidhiidhin lahaa  hadii aad   sidaa  ku sii aamusnaatana   waxad  arki doontaa   awdal  oo   waji kale  yeelatay  meel laga   soo qabtana  aanay  jirin 

Qalinkii;  Axmed    Maxamed   Cabdi