Xukuumada Somaliland oo ka hadashay jid gooyo lagu dilay taliye ka tirsan ciidanka degmadda Taleex
Posted by abdi on July 07 2018 22:45:44

Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Puntland jidgooyo ku dishay taliye ka tirsan ciidanka Somaliland ee degmada Taleex.


Extended News

Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Puntland jidgooyo ku dishay taliye ka tirsan ciidanka Somaliland ee degmada Taleex,isla markaana dhaawac u gaysatay maayarkii degmadda Taleex.


Wasiirka waxa shirkajaraa’id ku wehelinayey xildhibaano ka soo jeedda gobolka Sool, kuwaas oo ku hanjabay inay talaabo jawaab u ah falkaasi dhacay samayn doonaan.

“Ciiidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland waxay xalay habeen badhkii jid gooyo u galeen maamulkii gobolka Xaasimo ee degmadda Taleex, waxay sameeyeen qorshe badheedh ah oo ay ku khaarijinayaan madaxdaasi oo u socday hawlo bani’aadanimo ah oo ay dadka deegaanka u qaybinayeen dawooyin iyo raashin, qaar ka mid ah waxa si milgaha bani’aadanka ka baxsan loogu dilay goobta, waxa lagu dilay falkaasi Gaashaanle Saleebaan Cabdi Caatiye oo ka mid ah taliyeyaaasha guutooyinka degan Taleex.Waxa dhaaac xun la soo gadhsiiyey maayarkii degmadda Taleex, waxa xabad lala baacsanayey baadhasaabkii gobolka oo weftiga la socday, waanu garanayna dadka waxaasi sameeyey ee hadhow yeyna idinla fool xumaanin si degdeg ah ayaad jawaabteeda u heli doontaan”ayuu yidhi Koore oo dilkaasi ka hadlayey.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa sheegay in falkaasi dhacay aan loo dul qaadin Karin, isla markaana aanay hore u dhici jirin in jidka la isku gallo oo dadka safar ku jira la iska dillo.

Hargeysa Online