Qaraxyo Lagu Weeraray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Xamar.
Posted by abdi on July 07 2018 22:49:40

Ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo maanta lagu weeraray Wasaaraha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.


Extended News

Ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen laba qarax oo maanta lagu weeraray Wasaaraha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Soomaaliya.


Labada qarrax oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lala beegsaday dhismaha Otto Otto ee magaalada Muqdisho oo xarun u ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Amniga iyo Ciidanka booliska Taraafikada ee loo yaqaano Oto Oto.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada amniga ee dowladda ay howlgal culus ka sameeyeen gudaha dhismaha Oto Oto, halkaas oo ay kula dagaallameen saddex nin oo hubeysnaa oo gudaha u galay dhimahaasi.

Ciidamada ayaa dilay raggi weerarka fuliyay oo gaarayay saddex nin.

Dad badan ayaa ku go’doomay xarunta la weeraray intii ay socdeen qaraxyada iyo dagaalka ka dhacay gudaha xarunta. Dadka qaar ayaa la sheegay in ay ka boodeen daaqadaha.

Xarunta Oto Oto ayaa aad ugu dhaw dhismaha baarlamaanka iyo iyo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Xarakada Al Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkani. Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hargeysa Online