Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya.
Posted by ifraax on July 12 2018 22:35:58

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u doortay Donald Yamamoto in uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.


Extended News

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u doortay Donald Yamamoto in uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo badallaya safiirkii hore Stephen Schwartz.


Ninkan cusub ee la soo magacaabay ayaa horay u ahaa u qeysnaha Africa waaxda arrimaha dibedda dalka Mareynkanka, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay Safaaraddaha Mareykanka ee dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Mareykanka ayaa waxaa ay ciidamo gacan siiya kuwa dowladda ka joogaan Soomaaliya, horeyna madaxweyne Trump waxaa uu u sheegay in maamulkiisu uu kordhinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada gaar ahaan Al-shabaab.

 

Hargeysa Online