Shir nabadeedkii Ceel-Afweyn uga socday laba beeleed oo go’aammo laga soo saaray.
Posted by abdi on August 01 2018 23:18:55

Shirkii nabadeedkii ka socday Ceel Afweyn ee lagu soo afjarayey shaqaaqo ka dhextaagnayd laba beelood oo walaalo ah oo deegaanka wada daga ayaa maanta go’aamo..


Extended News

Shirkii nabadeedkii ka socday Ceel Afweyn ee lagu soo afjarayey shaqaaqo ka dhextaagnayd laba beelood oo walaalo ah oo deegaanka wada daga ayaa maanta go’aamo shareecada ku qotoma laga soo saaray.
Shirkan waxa go’aaminayey guddi culimo ah oo shareecada islaamka ku xalinayey khilaafka labadan beelood iyo sidii loo kala xukumi lahaa.
Sidoo kale, madax dhaqameedka ka soo kala jeedda labaddan beelood ayaa iyaguna saxeexay heshiishkaaasi, isla markaana ogolaaday go’aamadda laga soo saaray dagaaladda soo noqnoqday ee labadan beelood oo mudadii uu socday ku nafwaayey dad aad u faro badan.

201881636687148013504334422.jpg

201881636687148112153658532.jpg

201881636687148285557574535d.jpg

201881636687148563208935ceel20afweyn2.jpg


Gudoomiyaha guddida dhex dhexaadka ee culimdda Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in go’aamadda lagu dhaqmo oo la tixgaliyo,isla markaana aanay dib u dhicin inay jabto.
Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure Dheeg oo afhayeenka guddida ah ayaa shaaciyey go’aamadda laga soo saaray shaqaaqooyinka soo noqnoqda, waxaana kamid ah go’aamadaasi:
1. Waxaa loo aqoonsaday in dagaalkaasii uu ahaa dagaal qabiil oo fidmo ah oo aan diinta meelna kaga jirin, dadkiina waxaa laga dalbaday in ay denbi dhaaf iyo toobad la yimaadaan.
2. heshiishyadii hore ee beeluhu hore u gaadheen iyo wixii go’aan ee guurtidu soo saartay waa in sidoodii loo fuliyo.
3. dhimshada wiixii dad ku kala dhintay beelaha ee laga heshiiyey ama go’aan ka soo baxay waxaanu xukunnay in loo fuliyo sidii loogu heshiiyey, wixii aan hore heshiish ka soo bixin ama go’aan ka soo bixin ee ku saabsan dhimasho, dhaawac iyo hanti, waxaanay yihiin labaatan qof oo beeluhu iska dileen intii ka dambaysay go’aamadii hore ee laga heshiiyey.
4. dhaawacyadda, waxa loo kala xukumay 136 qof oo labadda dhinac iska dhaawaceen.
5. dacwada dhulka iyo deegaanka waxa aanu ka xukunay in umadda wada leedahay oo aan la kala sheegan Karin, in ceelasha la wada cabo, daaqa la wadaago si cadaalad ah looga fa’iidaysto, cidii deegaan cusub rabta inay samayso sida Tuulo, Baraago, Beero waa inay fasax ka qaatan dawlada oo labada dhinac ku heshiiyaan si aanay fidmo dambe uga dhalan, hadii cidi samayso deegaan cusub cid kale xaq uguma laha inay kula dagaalanto ee waa inay dacwadeeda u gudbiso dawladda.
Shir nabadeedkan waxa goob joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, wasiirka Arrimaha gudaha, qaybaha kala duwan ee ciidanka, madax dhaqameed ka kala yimid Somaliland, culimo’udiinkii ugu waaweynaa, siyaasiyin iyo gudoomiyeyaasha xisbiga UCID iyo WADANI.

 

Hargeysa Online