Gudoomiyihii guddida dabagalka Hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland oo xilkii laga qaaday.
Posted by abdi on August 18 2018 22:14:57

Gudoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa xilkii gudidaasi.


Extended News

Gudoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa xilkii gudidaasi laga qaaday ka dib markii uu qaar ka mid ah wasiiradii xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo iyo shirkaddo ganacsi ku eedeeyey inay qayb ka ahaayeen lunsi hanti qaran.


Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa maanta xilkiii guddidaasi dabagalka hantida qaranka ka qaaday,isla markaana guddi kale u bedelay, waxaanay taasi keentay ka dib markii masuuliyiintii lagu eedeeyey musuqmaasuqa cabasho uga gudbiyeen shirgudoonka, taas oo ay ku tilmaameen in sharaftoodda meel lagaga dhacay.

Laba cisho ka hor ayey ahayd markii gudoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax shirkadda Dahabshiil ka raaliyey galiyey hadal uga yimid guddida dabagalka hantida qaranka oo sheegay in dhul dawladdu lahayd oo Dahabshiil laga iibiyey lacagteedii la lunsaday, taas oo ay u aragtay mid sumcadeedda wax lagu yeelayo.

Gudoomiyaha Guddidan Naasir Cali Shire ayaa raaligalintaasi ku tilmaamay mid aan sharci ku fadhiyin,isla markaana sheegay inuu hayo cadeemiyihii eedihii usoo jeediyey shirkadda iyo waraaqihii dhulkaasi la kala siistay.

Si kastaba ha ahaatee,Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa gudoomiyihii guddidaasi laga qaaday ku tilmaaamay mid nasiib daro ah, waxaanu xusay in guddi kasta oo loo bedelo uu si fiican ugu shaqayn doonno.

“Hadii hantideena yar iyo dhaqaalaheena  urursan Karin waa nasiib daro, dadka waxaan lunsanay waa dad kooban, intaa yar baa haysata intii badnayd”ayuu yidhi xildhibaan Shire.

“dabagalkan aanu ku samaynay musuqmaauqa goluhu magac buu ku yeeshay inuu baabi’iyo may ahayn sumcadaasi usoo korodhay golaha”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Hargeysa Online