Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab.
Posted by abdi on August 24 2018 21:02:06

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay qabteen labo xubnood..


Extended News

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay qabteen labo xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab.


War ka soo baxay taliska hay’addaha nabad-sugida iyo sirdoonka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada oo howlgal ka sameeyay degmada Wadajir u suurtagashay in ay qabtaan labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidamda dowladda howlgal 23ka bishan August ay ka sameeyeen degmada Wadajir waxaa ay ku soo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab’’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adda NISA.

Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan ciidamada Amniga, laakiin haddana howlgaladaasi ma’aha kuwo meesha ka saaray dilal qorsheysan iyo qarax-yada gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hargeysa Online