Somaliland Oo Ka Hadashay Sababtay Ay Xabsiga Ugu Taxaabtay Xoghayihii Raysal Wasaare ku xigeenka Somaliya.
Posted by abdi on August 26 2018 23:08:24

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sababta ay xukuumadda somaliland xabsiga ugu taxaabtay.


Extended News

Somaliland Oo Ka Hadashay Sababtay Ay Xabsiga Ugu Taxaabtay Xoghayihii Raysal Wasaare ku xigeenka Somaliya

 


Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sababta ay xukuumadda somaliland xabsiga ugu taxaabtay Xoghayaha raysal wasaare ku xigeenka somaliya mudane Cabdi Qani Yasiin Maxamed oo ku xidhan magaaladda hargaysa.

Wasiirka ayaa sheegay in xoghayahu dalka ku soo galay sharci daro isla markaasina ay sharciga marin doonaan cidkasta oo sharci daro ku soo gasha gudaha waddanka jamhuuriyadda somaliland.

"Wixii dalka somaliland si sharci daro ah ku soo gala waa la xidhayaa,dalkana in sharci lagu soo galo ayaanu ku tallo galnay horena waan ugu sheegno xero daran maaha meeshu waa qaran jira, somaliland sharcina waa lagu soo galayaa sharcina waa lagaga baxayaa,xoghayahu sharci daro ayuu


ku soo galay anaguna ogolaan mayno cid dalka sharci daro ku soo gasha.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa digniin u diray dhalinyaro kooxo kooxo u socota oo habeenkii rabshado iyo qas ka abuuro gudaha caasimadda hargaysa waxaana uu dhalinyaradaasi u diray wasiirku digniin.

"Dhalinyarada rabshaddaha ka abuura gudaha caasimadda hargaysa waxaanu leenahay cidii gasha fal-danbiyeed ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigi doonaan,waxaanan kale oon waalidiinta u sheegaynaa in ay hubiyaan halka ay ku maqan yihiin caruurtoodu....sidaas ayaa uu yidhi wasiirka oo u waramayay tvga eryal.

 

Hargeysa Online