Hello Mudane Wasiir, Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.
Posted by ifraax on September 12 2018 10:51:58

Waxaad dhagaystay wasiirka arimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, oo magalada Hargaysa fagaaro dhalinyaro iyo aqoon yahano Somaliland su’aalo ku waydiiyeen uga ka jawaabaya.


Extended News

Waxaad dhagaystay wasiirka arimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, oo magalada Hargaysa fagaaro dhalinyaro iyo aqoon yahano Somaliland su’aalo ku waydiiyeen uga ka jawaabaya.

 

 

Haddaba, anigu waxaan ahay qurbo joogta Somaliland ee ku nool dalka Maraykanka, khasatan gobalka Californai. Haddii  aan aniga iyo wasiir Dr. Sacad Cali Shire aan fool ka fool (Ama fac to face) iskugu hor fadhiisan lahayn,  waxaan jeclaan lahaa in aanu hadaladani ku idhaahd,  su’aalahana aan waydiiyo. Xidhiidhka Somaliland iyo dawlada Maraykanka, iyo Jahliyada Maraykanka.Dalka Maraykanku waa dalka ugu dhaqaalaha wayn aduunka, awoodisa military ugu wayn tahay, siyaasadiisu calamka oo dhan saamayso. Hadadba, mudane wasiir maxaynu ku dhacday in qadiyada Somaliland dalkani Maraykan looga dhex olaleeyan wayo ?Waxaa jira aqoon yahano Maraykanka oo tageersan qadiyada Somaliland. Kuwaasi oo uu ugu danbeeyay Michael Rubin oo dhawan maqal fiican ku qoray jariirada Washington Exam. Maqaalkasi oo uu ugu magac daray “The US needs to recognize Somaliland before Russia does”. Qoralkani oo loo turjimi karo “ Maraykanku waxaa looga baahan yahay inuu Somaliland inta uu Ruushku aqoonsan”.Wakiilka Somaliland inoo fadhiyay, Rashiid Garuf wuxuu ahaa nin shaqo kale haysta, xukuumada Somaliland ka qaata mushahar. Waxa jira xafiis dhawan laga furay Washington oo safarada Somaliland leedahay, lakiin wax lagu qabto aan la aqoon. Wareegto uu dhawaan madaxwaynu soo saray waxaa lagu sheegay in Rashiid Garuuf la baday, lana soo magacabay nin kale oo la yidhaa Bashiir Good. Haddaba,  Bashiir Good, wuxuu qoray 1989 buug uu ugu magac daray “Awdal Phenomenon”. Chapter ka mida wuxuu ciwan uga dhigay. “Isaq: the troubled child of Somalia”. Qoralkani oo si xagjirnimaha u muujiyay nacaybka uu u qabo beesha reer Sheekh Isaxaq. Wakhtigasi waxay ahayd wakhti ugu xumeed dadka ku nool Somaliland, oo dad badan la xasuuqay, intii ka badbaadayna ay dul cad iyo xarooyinka qaxootiga ee Itoobiya ku sugnayeen. Magaalooyinka Somaliland ee Hargaysa, Burco, Berbera, Ceerigabo, Gabilay iyo inta u dhaxaysa la bur buriyay. Ninkani waxuu si qaldan uga been abuuray taarikhda dhabta ah Somaliland, isaga oo ku sheegay in beeshani ay ka soo horjeedeen midnimada Somalia, isla markana daba dhilif u ahaayeen gumaysigii Ingiriiska. Beelaha Somaliland dagaal dib u xorayntii Somaliland iskuma ay racsanayn, beelna lagu eedaymayo go’aanka ay ka qaadatay dagaalkaasi.  Lakiin waxaa meel ka dhac wayn ah, in nin aqoon yahan isku sheegaya inuu buug noocan oo kale ah qoro. Tariikhda Somaliland ka been abuuro. Isla markana dadkay wada dhasheen, ee Illahay dhulkani ku wada abuuray ee la xasuuqayay uu hadalo xanaf leh calamka ugu gudbiyo. Idaacada BBC waxaa ka dhagaystay wakhigii  Dahir Riyaale uu madaxwaynaha ahaa isaga oo ninkani qadiyda Somaliland  tageeraya. Lakiin, markii xukuumada Axmed Siilanyana dalka qabsatayna waxaan internet-ka akhriyay qoraalo uu xukuumda Federalka Somalia ee Hassan Sh. Mohamud uu ku tageerayo.  Markaa, wasiir adiga iyo madaxwaynaha waxaan la idin ka raba in aydun dadka Somaliland ka qancisan waxa ugu magacawdeen ninkani inuu wakiil Somaliland uga noqdo dawlada ugu wayn calamka, ee siyaasadeeduna ay sida tooska ah inoo saamaynaso.Mida kale, ninkani wakiilka u magacawdeen. Qadiyada Somaliland ma tageersan yahay ? Hadaladii deel qaafka ku ahaa Beesha Reer Isaxaq raali galin ma ka bixiyay ?Dalka Maraykanku waa dal wayn oo siyaasadiisa wakhti badan ku qadanayso qof ku cusub in uu xidhiidh la sameeyo dadka u dhuun daloola siyaasada dalakani. Markaa ninkani aqoon fiican ma u leeyahay dalka Maraykanka? Dalka Maraykanka wax ma ku bartay? Mise waa nin iminka la kala barayo habka dawlada Maraykanku u shayso iyo dadka lala xidhiidhayo?Wasiir ma kala tashaday jahliyada Somaliland ee dalkani Maraykanka ku nool cida ku haboon in wakiil Somaliland uga noqonaya Washington? Waayo wakiil Washington ee Somaliland, waa in wada shaqayn uu la leeyahay jahliyada Somaliland ee Maraykan ku nool,  khasatan kuwa Washington, iyo gobalada ku dhaw dhaw. Teeda kale, wakiilada Somaliland lama mid aha (ambasadooradal) dalalka Ictiraafka haysta, wakiilka Somaliland ee Washington inoo fadhiisanayaa, waa inuu noqdo qof qodiyada Somaliland iyo Ictiraaf radinta uga dhex olalayn kara dalka Maraykanka.Dalka Maraykanka waxaa dagan dad badan oo Somalilander-American ah,  kuwaasi doorta xubnaha Congress iyo Senators ah. Qadiyada Somaliland waxaa loo bandhig karaa Congress yada iyo Senatarada dalkani Maraykanka. Albaabka Congressyada iyo Senatarada way u furan yihiin qofka doorta, lakiin nin dawlada kale mata albaabka kama furayaan. Teeda kale, haddii si fiican jahliyada Somaliland ee Maraykanku ugu huran dhaqalo, olalaha doorashada xubnaha kala qayb galan iyaga oo sita magaca jahliyada, waxaa hubaal in ay tageerayaa qadiyada Somaliland.Waxaase arintani ka horaysa in dawlada Somaliland hormood ka noqoto wadajirka dadka Somaliland gudo iyo dibada. Ictiraaf radintana laga dhigo arin QARAN, si jahliyada Somaliland ee Maraykanka iyo jahliyadaha kale uga wada shaqeeyan. Lakiin marka xukuumada Somaliland, iyo wakiilka Somaliland ee Washington u fadhiyo ayna fahansanayn sida hawlahani looga midha dhaliyo, marka waa nasiib daro dalkeena iyo dadkiisa ku habsatay,  waana wakhti ummada Somaliland laga luminayo.Mudane Wasiir, waxaan qabaa in xukuumada Trump ay si fudud u Ictiraafi karta Somaliland.  Waa haddii xukuumada Somaliland kartida iyo fahankeed la timado. Sababtuna waa in:Xukuumada Maraykanku ee Trump hogaaminaya kuma dhagsana siyaasada arimaha dibada ee xukuumadihii ka horeeyay ku socdeen. Xukuumadihii hore ee Maraykanku waxay xeerinayeen in faragalin siyasada qarada Afrika.  Taasina waa ta keentay in wasaarada arimaha dibada ee Maraykanku (ama State Deparment) ay ka soo horjeeday in Somaliland la Ictiraafo.  Lakiin wasaarada difaaca ee Maraykanku  (ama Pentagon-ku) ma ah hay’ad siyaasadeed, waxanay marar badan ku taliyeen in Somaliland la Ictiraafo. Hadaba, Trump waxuu xoojiyay awooda Wasaarada difaaca, si ay hormood ugu noqoto danta Maraykanka, khasatan danta Maraykanku ka leeyahay qarada Africa. Marka wasaarada difaaca Maraykanka ee tageersan Ictiraafka Somaliland ayaa maata awooda go’aan gadashada gacanta ku haysa. Taasian waa ta inoo horseedi karta in Maraykanku ina aqoonsado.Teeda kale, waxaa xusbiga Republican ee ka taliya dalka Maraykanka ku jira dad tageersan qadiyda  Somaliland. Kuwasi oo uu hormeed u yahay ninka la yidhaa Dr J Peter Pham,  Director, Africa Center Atlantic Council, oo qoraalo badan ku muujiyay tageerada Somaliland. Waana dadka faro ka tiriska ah ee  wax laga waydiiyo arimaha qaarada Afrika. Sidoo kale Michael Rubin ee  Washington Exam ku qoray maqalka uu ku tageerayo Ictiraafka Somaliland,  waa nin ka mid ah hay’ada American Enterprise Institute, oo ah conservative think tank, oo ah meelaha xusbiga Republican siyaasadiisu ka soo maan guuriyo.
Teeda kale, xukuumada Trump waxay ka noqotay wax yaabo badan ooy xukuumadii Obama samaysay. Inkasta oon anigu tageersaan xukuumada Obama, haddan aad ayaan uga soo horjeeday in ay Ictiraafan dawlada Somalia ee magac u yaalka ahayd. Hillary Clinton, oo Secretary of State ahayd, ayaa qaladkani hormood ka ahayd.Haddaba, lixsano oo dawlada Maraykanku iyo calamka kalaba Ictiraafsanayeen dawlada ku sheega Somalia, waxay wali awoodi kari la’dahay in ay maamusho xafad ka mida Muqdisho. Mida kale, Trump waxay xurguf badani ka dhexaysa Hillary Clinton oo uu doorashad kaga guulaystay. Haddaba, haddii aynu kase-keena (case) ula tagno xukuumada Trump. Inaga oo isticmalayna dadka xusbiga Republicanka ee tageersan qadiyada Somaliland, iyo dalalka aynu saxiibka nahay ee isku dhawyihiin xukuumada Trump. Waxaan qabaa in ay xukumada Trump ayna waxba ku ahayn in ay aqoonsato Somaliland. 
Somaliland waa in ay wafti u dirto Ruushka (Vladimir Putin). Hadal haynta  siyaasada arimaha dibada ee Somaliland  (ama Somaliland MOTTO-da) waa inuu noqdo: “SOMALILAND SALDHIG MILITARY AYAY SIINAYSA DAWLADII AQOONSI CALAMIYA SIISA”. Waa in qoraalkani oo wayn, oo afaf badan lagu turjimay, lagu dhajiyo albaabka airport-ka Hargaysa laga soo galo, si cid kasta oo Somaliland timada u aragto, in ay inaga dhab tahay Ictiraaf radintu.Waraysi wasiir Sacada lagu waydiiyay in wax ka jiran in dawlada Ruushku ay ka dalbatay saldhig military, ayaa waxaa uu ku jawaabay in aanu waxba ka jirin hadalkaasi. Waxaan u arkayay jawaabtaadasi wasiir mid ka fog hadal nin siyaasi yidhaahdo “ ama political statement”. Waa laga yaaba in aanu wasiirku doonaynin in uu calamka u sheego warkani (haddii uu jiraba). Lakiin waxay ahayd wasiir in aad tidhaahdo “SOMALILAND WAXAY SALDHIG MILITARY SIINAYSA DAWLADII AQOONSI CALAMIYA SIISA”.Siyaasada arimaha dibada ee Somaliland waa in ay ka baxan siyaasada CAAJISKA AH (ama PASSIVE FOREIGN POLICY), oo ay qadato siyasada FIRFIRCOON (ama AGRASSIVE FOREIGN POLICY). Sida daradeed, waa in aynaa inagu sugin in la inoo yimado ee waa in aynu inagu albaab kasta garaacno. Waa in aynu wafti u dirno dalka Ruushka iyo Vladimir Putin.  Waa in aynu Ruushka u soo jeedino in ay saldhig military ka siinayno BADA CAS, haddii ay ina Ictiraafan. Waxaa laga yaaba, in dalalka galbeedku oo hormeed u yahay Maraykanku diidaan arintani. Lakiin Somaliland, waxay helaysa waxa ay ku gor goranto. Haddii dalalka reer galbeedku arkan Somaliland oo Ruushku wada hadal la wada,  waxay qasab ku noqonaysaa in ay ina Ictiraafan, sida Micheal Rubin ku muujiyay qoraalkiisa. Waxaan qabaa, haddii xukuumadu ka gabiso arintani, waa in Golaha Wakiilda iyo Xusbiyada mucaaridku ay wafdi u diran Ruushka.Dadka Somaliland waxaa xusuusinayaa in shirkada Dubia World ayna danaynin dekada Berbera, lakiin markay aragtay in Somaliland wada hadal la wado sharkad wayn ee dalka Faransiiska ah ee Bolero. Isla markana ay Bolero, ka soo dhamaysay Itoobiya in ay sami ku yeelanayso dekada Berbera. Ayay Dubia World bilawday siday ugu guulaysan lahayd maamulka degakada Berbera. Isla markana ay jabisay heshiiskii ay la gashay dalka DJabouti ee odhanayay in ayna maal gashan karin dekedaha dalalka jaarka ah. Waxaan sheekadani u soo qaatay, in aan idiin cadeeyo in calamka waxa girgila uu yahay dantooda. Sida daradeed, maalinta ay calamku arkan in Somaliland ay Ictiraafka radintu ka dhab tahay, oo ay meel kasta u garacayno. Maalinta ayay Somaliland Ictiraaf helaysa. Haddii kale, arintu Somalind waa ‘HA FADHIDO FARAW’.Markii dawlada Djabouti u ogalaatay dalka Shiinaha in ay saldhig military siiso, ayaa waxaa Djabouti tagay wafti ka socda golaha Senator-ka Maaraykanka oo diidan in ay military-ga Shiinaha ay jaar la noqdaan. Marka, waxay xusuusiyeen Madaxwaynaha Ismaciil Guuleed, in uu jiro heshii uu la galay, oo odhanayay  in cid ay is-hayaan saldhig ka siin karin dalkiisa. Ismaciil Guuleed waxaa uu ugu jawaabay, waxaad tidhaahdeen dalka Ruushku saldhig kama siin kartaan, ee ma aydaan odhan dalka Shiinaha. Marka, Senator-adii Maraykanka waxay ku noqotay af kala qaad, waayo Maraykanku marna meesha ma ay soo dhigan Shiinaha ayaa Afrika saldhig military ka samaysan, waxaa iska ilaalinayeen dalka Ruushka.Magaalada Berbera waxa aynu saldhig millatry aynu ka siinay dalka Emaradka, waxa lagu heshiiyayna ma ogin, lakiin haddii lagula heshiiyay in Ruushka saldhig military Somaliland ka siin karin, markaa waa in ay Emiradku iyo dalalka ay saxiibka yihiin ay ina Ictiraafan. Haddii kale waa in cid kasta oo ina Ictiraafaysa u tagno, saldhig military dalkeena ka siino. Waayo, heshiiskasta oo dastuurka Somaliland iyo jiritaanka Somaliland ka soo hor jeeda, WAA WAXBA KAMA JIRAAN.Madaxwayne Muuse Biixi wax kale oo uu badalay wakiilka Somaliland ee Emaradka Bashe Cawil Cumar. Waxaana lagu badalay Xasan Hirad Yaasin. Dadbadani waxay ka soo horjeedeen in wakiilka Emaradka uu Madaxwayne Axmad Maxamed Siilanyo u magacabo Bashe Cawil oo uu sadog u yahay. Marka waxaa fajaciso dadka badankiisa ku noqotay waxa madaxwayne Muuse Biixi ugu magacabay  Xasan Hirad Yaasin, oo xaaska Madaxwaynuhu edo u tahay. Waxaa la yidhi nin tuurlihi inuu wax qarsanayo ayaa la mooda, halkee ay wax ka si yihiin. Haddaba, inankan wakiilka Somaliland ee Emaradka loo magacabay, Aqoon jamacadeed ma leeyahay? Maxaa uu bartay, maxaase uu ka shaqayn jiray? ninkani ma leeyahay kartida, iyo aqoonta uu ku hanan karo heshiiyadan baxada wayn leh iyo siyaasadani gobalka ee baaxa dagaysa?Dalka Emaradku waxaa inaga dhexeeya arimo badan oo ay ka mid tahay horumarinta dhaqaalaha, militariga iyo Ictiraaf radinta. Qofka wakiilka inooga noqonayaan waxaa looga bahan yahay inuu leeyahay karti iyo aqoon siyaasadeed oo uu kula shaqeeyo xafada Emaradka xukunta. Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, anigu Hargaysa lama joogo wasiirka, hadalada isma dhaafsan karno, su’aalahana ma waydiin karo. Waxaanse ka codsanayaa wariyaasha iyo dadka ay is yaqaanan wasiirka in ay qoraalkani u bandhigan, su’aalahana waydiiyan. Jawaabtan Internetka ayaa ka qaadan doona.SOMALILAND HA NOOLATO!!!!

Omar A Yousuf Omaryousuf455@gmail.com

Oakland, California