Taarikada cusub ee Gaadiidka Somaliland oo ay bulshada inteeda badan ay cabasho ka muujiyeen.
Posted by abdi on September 17 2018 01:55:21

Guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiilada, xisbiyadda mucaaradka iyo shacabweynaha reer Somaliland ayaa si weyn uga biyo diiday taarikadda cusub,


Extended News

Guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiilada, xisbiyadda mucaaradka iyo shacabweynaha reer Somaliland ayaa si weyn uga biyo diiday taarikadda cusub ee la sheegay in baabuurta laga bedelayo, taas oo baabuur wal oo numbar cusub ku xidhanaya laga qaadayo lacag dhan lixdan dollar.


Dadweynahan ayaa sheegay in numarkii hore ee la bedelay ay hore u iibsadeen, sidaas darteed hadii ay numbar kale lagu bedelaya aan xaq loogu lahayn in lacag laga qaado, haseyeeshee gaadiidka cusub ee imanaya uun laga iibiyo sidii awalba looga iibin jirey numbarka, balse qof markii hore taarikadda baabuurka laga iibiyey in mar kale hadana laga iibiyey aanay ogolaan doonin.

Sidoo kale, Xildhibaanada golaha Wakiiladda gaar ahaan guddida dhaqaalaha ayaa iyaguna sharci daro ku tilmaamay lacagtaasi numbarka cusub dadka lacagta loogu bedelayo.

“hadiii tacriifad la kordhinayo waxa kordhin kara oo qudha golaha Wakiilada, waana khalad in wasaaraddi iska kordhiso tacriifad aan golaha soo marin”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Nacnac .

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo isna arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Cashuuruhu wax jeebka wasiirka maaliyadda ku jira maaha ee waa wax umada oo dhan ka dhaxeeya sidaasi darteed madaxweyne qaabkan uu labada wareegto ee midina tahay gaadiidka midina tahay warshadaha uu xafiiskaaga u soo galiyay wasiirka maaliyaddu waa qaab aan danta guud ee umada iyo warshadaha midna u dan aheyn oo aan waafaqsaneyn shuruucda iyo nidaamka dalka, sidaasi darteed waxaanu kaa codsaneynaa madaxweyne inaad joojiso”

Sidoo kale, waxa iyaguna arrinaasi sharci daro ku tilmaamay xisbiyada mucaaradka oo sheegay in aanay dadku awoodin in lacagtaasi lagu kordhiyey taarikadda cusub, waxaanay ku doodeen in qofku lagu qasbin numbarka cusub, maadaama oo markii gaadhiga iibsanayeen ay hore numbarka u iibsadeen hadii laga bedelayana lacag la’aan loogu fuliyo adeega.

Guud ahaan bulshada kala duwan ayaa ka qayliyey taarikadda cusub ee gaadiidkii hore ee numbarka hore watay lagu qasbay inay bedeleen oo kan dambe iibsadaan.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa iyagu difaacay sharciyada ay u mareen bedelka taarikadda, waxanay soo qaateen qodobo u fasaxaya inay bedelaan numbaradii hore.

 

Hargeysa Online