Sharciga kufsiga waa sharci hir galay, cida diidan waa dadka xagjirka ah iyo kuwa dawlad diidka ah.
Posted by ifraax on September 24 2018 00:12:59

Waxaan maal mahan ugu danbaysay dadka lagu mashquuliyay xeerka Kufsiga ee golaha Wakiilada iyo Guurtida ay muda ka doodayeen.


Extended News

Waxaan maal mahan ugu danbaysay dadka lagu mashquuliyay xeerka Kufsiga ee golaha Wakiilada iyo Guurtida ay muda ka doodayeen, akhirkiina si aqlabiyada kaga gudbay labda gole, madaxwaynuhu uu saxeexay sidaana sharci ku noqday. Sida daradeedna loo dhaqan galiyay .

 

Haddaba,  cid alaala iyo cidii danbiga kufsi ku kacda sharcigani waa qabanayaa. Hadaba yaa diidan in la dhaqan galiyo sharcigan? Waxaa diidan dadka xagjirka ah iyo kuwa dawlada diidk ah. Kuwaasi oo xeerkani ugu soo mar mar sonaya inuu Diinta Islamka iyo Shariicada uu ka hor imanayo. Diinta islamku waa diin ogal waxa fiican oo dhan, haddii aan si kale u dhigo “WAXA FIICANI WAA DIINTA ISLAMKA”. Sharcigani waa sharci fiican oo wax ka qabanaya KUFSIGA. Haddii aan durbaan kale la tumaynin, side ay diinta Islamka u diidi kartaa sharciga ciqaabaya cida KUFSI ku kacda.Teeda kale, kuwa manta qaylinayaa xagay ayay ku maqnayeen markii maalin kasta caruurta yar yar la kubsanayay. Mise caruurtooda ayayna ahayn oo dan kama lahayn?Waxaan dhagaystay niman sheeganayay in ay yihiin garyaqaano, oo aan meelna u soo marin garyaqanimo, aqoona u lahayn shuruucda dalka (Rule of law). Nimankani ma soo dhigin hal qodab oo macno samaynaya ooy ku diidan yihiin xeerkani. Waxaana qabaa in ay yihiin kuwa Xamar ka soo qata mashruuca burburka Somaliland. Nimankani ma ay fahmin sida dawlada Somaliland u shaqayso, jaran jarada xeerku soo marayay oo dhana wuu soo maaray. Taani waxay cadayn u tahay, in ay nimankani ay ka soo horjeedan dawlanima Somaliland ee Dimuqradiyada ku dhisan.Haddaba, kooxdani ka soo horjeeda xeerkani, iyaga oo ku soo gabanaya diinteena Islamka, isticmalaya habka dimuqradiyad, ayay doonayaan in khal khaliyan dadka Somaliland, ku diran dawladooda. Teeda kale, kuwa meelaha ka qaylinya ee laha waxaanu nahay afhayeenada xusbiyada, xagay joogeen markii xeerka laga doodayay? Ma iminka ayay soo baraarugeen mise cid ayaa bitroolka ku shubatay? Mida kale, inta kuwan war moogayasha ahi hadlayaan, maye xubnihii xusbiyada mucaaridka golaha Wakiilada ugu jiray ee u-codeeyay xeerkani. Haddii iyagu u-codeeyeen, maxaa kuwa aan waxba ahayn ka hadal shiinaya.Nimanka sheegtay in ay ku hadlayeen afka xusbiyada ma ay soo bandhigan qodab kaliya oo macno samaynaya ooy ku diidan yihiin xeerkani. Haddii laga tagi waayo waxay diidanayeen sida loo qeexay KUFSIGA, iyo da’da 18 jirka oo uu xeerku ka dhigay qofka ku kaca falkani in la sharcigani lagu qaadayo.Haddaba, markii aan dhagaystay warbixiinta ay sida fiican u sharaxeen laba xildhibaan ee Rayte iyo Balaaki, ayna akhriyeen sida uu xeerku uu fasilayo KUFSIGA. Xeerkani waxaa uu ku qeexay KUFSIGA “QOFKASTA OO ISTICMALAYA XOOG, QASAB, AMA HANJABAD KULA KACA GALMO AAN SHARCI AHAYN QOFKALE OO AAN OGALAYN, RAALINA KA AHAYN”.Haddaba, KUFSIGU waa ‘GALMO QASABA”. Mana ah wax kale. Qofka waxa kale ka hadlayaa isaga ayay jirtaa. Haddii laba qof is ogal yihiin ma ah “KUFSI”, waa SINO, sharcigana SINADA kama hadlayo. Qofka ka soo hor jeeda SINADA, ee raba in in xeer loo sameeyo, waa dood furan, lakiin xeerkani ma ah xeerkasi . QOFKA XANUUNSANAYA EE WAX AAN DHAQANKEENA KU JIRIN KA DHEX EEGAYA XEERKANI, ISAGA AYAA DHAKHTAR U BAHAN IYO IN QURAN LAGU AKHRIYO.Da’du qofka ku kaca falkani oo uu xeerku ka dhigay 18 jire, ayay kooxdani ku doodayaan in dadka Muslimku ku qaan gadhan 15 jir. Haddaba, xeerkani kama uu hadlin qaan gaadh. 18 sano waxaa u qaateen waa da’da dadka (intooda badani) ay ku dhameeyan dugsiga sare. Markaasi oo qofka tacliinta sii wadanayo ama uu shaqo tagayo. Marka waxba ha ku mashquulina, wax aan ku jirina ha ka day dayina.Cida dacwad ka qabta sharcigan waa in maxkamada sare la tagaan doodooda. Sida labada xildhiban ee Golaha Wakiilada uga dhawaajiyeen.Waxa wax laga yaabo ah, ninka ku hadlayay afka Xusbiga Kulmiye. Ninkani wuxuu muujiyay inuu ka aradan yahay maamuska dawladnimo. Xusbiga aad afkiisa ku hadlaysaa waa ka uu ka soo jeedo Madaxwaynuha aad shalay u olalaynaysay. Golaha wakiilada waxaa aqlabiyada haysta xusbigaaga. Marka, sharciga uu Madaxwaymnahagu saxeexay, uuna hirgaliyay, golahii wakiilada ee xusbigaguna ay u-codeeyeen, maxay ku dhacday in si ‘public’ah u tidhaahdo “Xusbigayagu xeerkani wuu ka soo horjeeda”. Marka ma adiga ayaa iska hadlaya, mise talo xusbi ayaa shirka ku timid? Waxaan dhagaystay Wasiirka diinta, waxaanu yidhaah: “Golaha wakiilad aay si aqlabiyada u ansixiyay xeerka, madaxwaynuhuna sida ayuu ku saxeexay” Waxaa dadka qaarkood hadalkani u fasilan karaan, in aanu Madaxwaynuhu  ka warhaynin xeerkani, oo aanad akhriyin, ood sida Madaxwaynu ku saxeexay.  Haddii aanu Madaxwaynuhu ku qanacsanayn, ma uu saxeexeen ee Maxkamada Sare ayuu u gudbin lahaa. Sida daradeed, Mudane Madaxwayne, hadalkani uu wasiirku yidhi (Inkasta oo qabo in aanu wax xumaana u jeedin), waxay ceeb ku yahay Xukumada Somaliland eed adigu hormoodka u tahay.Marka, Mudane Madaxwayne waa in aad ummada la hadasho, haddii kale, war xumo tashiilka, xagjirka iyo af-miisharka ayaa waxa ay doonyan dadka gashan doona. Sida xildhibanada golaha Wakiilada ee u-codeeyay xeerkani u difaaceen waa in aad adiguna u difaacdo. Mudane Madaxwayne, adiga ayaa ka codsaday labada gole in ay sharciga lagu xakamaynayo Kufsiga soo saran, adiga ayaa sharcigan saxeexay, oo dhaqan galiyay. Marka, Mudane Madaxwayne, waa in ummada u sheegto waxa uu sharcigani yahay iyo sababta loo curiyay iyo cida lagu fulinayo. Ummada u sheeg in uu sharcigani uu yahay mid dhaqan galay, oo soo maray jarn jarooyinka uu sharci ku noqonayay. Waxii dooda iyo wax ka badana lagu soo sameeyay. Cidii falka waxishnimada ah ee Kufsiga ku kacdana lagu ciqaabayo. Ummadana u sheeg in ay dhagaysan kuwa sida xun u fasilaya sharciga, ee waxaan jirin ku jirin ka dhex day daya. Haddii aad ummada ka aamusnato, waxa rumoobaysa hadalka Wasiirkaga diintu yidhi, sumcada  xukuumadana dhawac wayn ayaa soo gadhaya. Haddii aad ka noqotana hirgalinta sharciga, marka waxaa uu kugu noqon doona “WADO HALAQ”. Sharci kasta oo saxeexdana waxaa la galin doona muran, iyo buuq ilaa aad u hirgalisid sida kooxdani u raban. Taasina waxay kaa dhigi doonta in aad noqotid Madaxwayne ugu daciifsana ee Somaliland ka taliya, ama Madaxwayne ugu horeeyay ee shaqadani loo igmaday garashadeed lahayn.

 
SOMALILAND HA NOOLATO

OMAR A YOUSUFOAKLAND, CALIFORNIA