Dowladda Federaalka oo ka codsatay Marekanka in laga qaado xayiraada dhinaca socdaalka.
Posted by ifraax on September 30 2018 22:07:38

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulan uu magaalada New York kula qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka.


Extended News
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulan uu magaalada New York kula qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrikaa uu ka codsaday in Maraykanka uu qaado xayiraadda dhinaca socdaalka ee uu saaray Soomaalida Maraykanka tagaysa.

"Waxaan u sheegnay inaysan nugu habbooneyn xayiraada la saaray dadka-yaga inay soo galaan Marekanka." ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlay VOA-da.
Cawad waxaa kalo u sheegay arrimaha uu kala hadlay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika inay ka mid ahayd sidii Marekanka uu u aqoonsan lahaa baasaboorka Soomaaliga, "Waxaan tilmaamnay baasababoorkayaga oo adduunka uu aqoonsanayo oo aan tusaale usoo qaadanay Norway inay aqoonsadaan, arrinta oo aan muddo ku daba-jirnay." ayuu ku daray wasiirka Cawad.
Wasiirka arrimaha dibadda, waxaa kalo u sheegay Marekanka inay ka codsadeen in la ballaariyo taageerrada uu siiyo Soomaaliya,taas oo u sheegay inan lugu koobin oo kaliya amniga.
Soomaaliya ayaa ka mid ah illaa lix dal oo u badan waddamo islaam ah oo madaxweynaha Marekanka uu xayiraad ka saaray dadkooda inay galaan Marekanka, isagoo tallaabada ku sheegay mid lugu adkeynayo amniga.

hargeysa online