Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga taladda haya ee KULMIYE oo xilkii laga qaaday.
Posted by ifraax on September 30 2018 22:15:47

Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige Shabeel ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga saaray.


Extended News

Gudoomiyihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige Shabeel ayaa maanta xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga saaray.

Guddida fulinta ee xisbiga kulmiye war-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku cadeeyeen in shir ay yeesheen xilkii kaga qaaday gudoomiyihii golaha dhexe.


“Markii xilkii aad hayso u isticmaashay si khaldan oo uguna faa’iidaysatay aragtidaada shakhsi ah, hadaba guddida fulinta ee xisbiga kulmiye markay ogaatay in marar kala duwan si toos ah kaagala hadleen hogaanka xisbigu arrimaha aad ku kacayso, haseyeeshee aad ka joogi wayday, iyadoo raacaysa qodobka 56aad ee xeerka xisbiga faqradihiisa 2aad,3aad iyo 4aad waxa ay ogaamiyeen in laga bilaabo taariikhda maanta laga qaaday xilkii iyo xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye waxa xilka gudoomiyaha golaha dhexe si ku meelgaadh ah usii haynaya gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga” ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexan yahay Axmed Cabdi Xuseen ku xigeenk 2aad ee xisbiga kulmiye.

Siyaasiga xilka laga qaaday ayaa dhawr jeer oo hore dhaliilo u soo jeediyey xukuumada iyo madaxweynaha, taas oo keentay in xil ka xayuubintan lagu sameeyo.

Jaamac Shabeel ayaa ahaa nin hadalo cadcad oo xisbiga ka dhex muuqday,isla markaana awood badan ku dhex lahaa, waxaanu ahaa ragga tirada yar ee waagii madaxweynuhu ahaa gudoomiyaha xisbiga ee madaxweyne Siilaanyo is haysteen la saftay Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaasi xukuumadii hore ee kulmiye aad isku hayn jireen. 

hargeysa online