Marekanka oo duqeyn ku dilay dagaalyahanno ka tirsan ururka al-Shabaab.
Posted by abdi on October 02 2018 22:03:15

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday koonfurta Soomaaliya.


Extended News

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal dagaalyahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday koonfurta Soomaaliya, taasi oo la fuliyey kaddib markii Shabaabka ay weerarreen ciidamadda dowladda Soomaaliya.

 

War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamadda Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay weerarkan xagga cirka ah in laga fuliyay meel qayaas ahaan 40 kiiloomitir waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

"Weerarka wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah ma gaarsiin dadka shacabka." ayaa lagu yiri war saxaafadeedka militariga Mareykanka.

Milatariga Marekanka oo garab siinaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarrada lagu bartilmaameed-sanayo xubnaha ka tirsan ururka al-Shabaab,iyadoo la sheegay in ka badan 20 duqeyn xagga cirka ah inay ka fuliyeen Soomaaliya sanadkan.

Hargeysa Online