Midowga Yurub oo sheegayin aysan Waxba uma dhimayn weerarkii shalay taageerrada aan siino Soomaaliya.
Posted by abdi on October 02 2018 22:13:01

Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonan taageerrada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda.


Extended News

Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonan taageerrada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,kaddib markii Isniintii la weerarray mid ka mid ah gaadiidkooda oo marayay agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

 

Saddex qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah ayaa lagu dilay weerarka oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lugu dhuftay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka Talyaaniga ee qaybta ka ah kuwa Midowga Yurub ee Soomaaliya u jooga tababarka ciidamadda Soomaaliya iyo talo-siinta kuwa AMISOM.

Afhayeenka Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ,Maja Kocijančič ayaa sheegtay in weerarkan uusan baajin doonin inay sii wadaan taageerrada Soomaaliya iyo dadaallada ay ugu jiraan in mustaqbalka la gaaro xasillooni iyo barwaaqo.

Afhayeenka ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarka,iyadoo dhanka kalana sheegtay in aanay jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray qaraxa ciidankooda.

Weerarka oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu bartilmaameedsado kolonyada Midowga Yurub , waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay kooxda al-Shabaab.

Midowga Yurub wuxuu billaabay howlgalka tababarka ciidamadda Soomaaliya iyo talo-siinta kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya sannadkii 2010-ka.

Hargeysa Online