Dowlada dalka Mareykanka oo xidhay Qunsuliyadiisii ku taalay Qudus
Posted by abdi on October 19 2018 21:46:42

Xukuumadda Washington ayaa shaaca ka qaadday in ay albaabbada isugu dhufaneyso qunsuliyaddeeda guud ee ku taalla magaalada Qudus.


Extended News

Xukuumadda Washington ayaa shaaca ka qaadday in ay albaabbada isugu dhufaneyso qunsuliyaddeeda guud ee ku taalla magaalada Qudus, taasoo ka shaqeyneysay arrimaha Falastiiniyiinta, hase ahaatee howlaheeda loo weecin doono safaaraddooda cusub ee magaalada Qudus, sida uu ku dhawaaqay xog hayaha Arrimaha Dibedda.


Mike Pompeo ayaa sheegay in go’aankan ay horseedeen sababo la taaban karo isla markaana uusan waxba u dhimeynin siyaasadda Mareykanka ee magaalada Qudus, Daanta galbeed iyo Marinka Qasa.

Masuuliyiinta maamulka Falastiin ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabadan,Sarkaal sare oo lagu magacaabo Saeb Erekat ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Trump uu ka shaqeynayo sidii “loo weyny lahaa Israa’iil” halkii laga shaqeyn lahaa in la dhiso labo dal oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin, taasoo uu sheegay inuu xalka ku jiro.

 

Israa’iil ayaa magaalada Qudus u aragta iney tahay caasimaddeeda “aan gorgortanka galin” halka Falastiiniyiintuna ay aaminsanyihiin in Qudus ay tahay caasimaddooda mustaqbalka oo hadda “xoog looga heysto”.

Israa’iil ayaa Bariga Qudus kula wareegtay dagaalkii gobolka bariga dhexe ee dhacay sannadkii 1967-kii.


Hargeysa Online