Shirkii golaha Iskaashiga maamul-gobolleedyada oo Garoowe ka furmay.
Posted by abdi on October 21 2018 21:59:18

Kulanka afaraad ee golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.


Extended News

Kulanka afaraad ee golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.


Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweyneyaasha Puntland , Galmudug , Koonfur-galbeed iyo  Galmudug .

Qodobbada inta uu shirka socdo looga hadli doono waxaa kamid ah xaaladda siyaadaeed ee dalka , khilaafka udhexeeya dowladda iyo madaxda maamul- gobolleedyada , Amniga iyo qodobbo kale , sida u sheegay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada.
Marka uu shirkan soo idlaado ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobbo dhowr ah oo ku wajahan xukuumadda iyo beesha caalamka .


Shirka Garoowe ayaa ku soo aadday xilli aan wali xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada,an iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka, waxaana baaqday shir uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo oo lagu xalin lahaa tabashada ay qabeen maamul goboleedyada.


Hargeysa Online