Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo kala saxiixday mashruuc ku kacaya $80 milyan.
Posted by abdi on October 31 2018 22:51:12

Xukuumadda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Muqdisho qeybtii u horeysay ee mashruuca $80 Milyan ee Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya.


Extended News

Xukuumadda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Muqdisho qeybtii u horeysay ee mashruuca $80 Milyan ee Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya, kaasoo lagu fulinayo mashaariicda horumarineed.


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Agaasimaha Bankiga Adduunka ee Bariga Afrika Bella Bird ayaa kala saxixday heshiiska ku kacaya 80 Milyan.Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bankiga Adduunka uu soo dhoweeyay hannaanka dowladda Federaalka uga shaqeeyeen barnaamijka deyn cafinta, isagoo xusay in Bankiga Adduunka uu ku abaal marinayo Soomaaliya lacag gaareysa $140 Milyan oo qeybtii koowaad ee $80 Milyan oo ansixiyay Guddiga sare ee Baniga Adduunka.
Agaasimaha Bankiga adduunka ee Bariga Afrika Bella Bird ayaa sheegtay in Bankiga adduunku uu aad ugu amaanayo dawladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta daymaha.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in heshiiska maanta ay kala saxiixdeen Bankiga Adduunka iyo heshiiskii dhawaan dawladdu la saxiixatay Midowga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dawladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay inay horumar ka sameysay hanaanka daah furnaanta Maaliyadda, iyadoo weli wajaheyso shuruudo kala duwan oo qeyb ka ah barnaamijka deynta looga cafin.


Hargeysa Online