Labada xisbi mucaarad ee Somaliland oo eeddo usoo jeediyey Muuse Biixi
Posted by abdi on October 31 2018 23:05:05

Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID oo gaargaar ula hadlay warbaahinta, ayaa madaxweynaha ku eedeeyeen inuu masuuliyadeeda qaadayo hadii doorashaddu dib uga dhacdo wakhtigeedii.


Extended News

Xisbiyada mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID oo gaargaar ula hadlay warbaahinta, ayaa madaxweynaha ku eedeeyeen inuu masuuliyadeeda qaadayo hadii doorashaddu dib uga dhacdo wakhtigeedii.


Musharaxii madaxweyne ku xigeenka xisbiga WADANIku Maxamed Cali ayaa sheegay in lix bilood ka hor xisbigoodu qaadacay guddida doorashooyinka inay doorasho dambe qabtaan, haseyeeshee uu madaxweynuhu ka warwareegayo inuu go’aan ka gaadho kala dirista guddidaasi.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay u muuqato in doorashadu dib u dhacayso, taas oo wixii ka yimaada ay dusha ka saareen madaxweynaha inuu masuuliyadeeda qaadayo.

“Bishii march ee sanadkan ayaanu u gudbinay qoraal 14 bog ah oo aan kaga hadlayo khaladaadkii gudida doorashooyinka oo ku sheegayno in aanay guddida doorashooyinku doorasho dambe qaban Karin ee madaxweynuhu kala diro”ayuu yidhi Maxamed Cali.
Waxanu intaas ku daray “Doorashadu inay qabsoonto madaxweynaha masuul ka ah haday dib u dhacday wixii ka yimaada isaga masuuliyadeeda leh, Hadii doorashadu qabsoomi waydo waxa lagama maarmaan noqon doonta in tallo qaran la iskugu yimaado oo wixii arrintaasi laga yeelo laga wada hadlo”
Dhinaca kale, waxa isaguna warbaahinta la hadlay ku xigeenka xisbiga UCID Cabdnaasir Buuni oo madaxweynaha ku eedeeyey inaanu diyaar u ahayn inuu doorasho qabto, waxaanu sheegay in hadii doorashadasi dib u dhacdo ay qabanayaan shirkii badbaado qaran oo waxgaradka Somaliland ka tashan doono sidii dalka loo badbaadin lahaaa.
“madaxweynaha waxaan leeyahay hadii aad cod shacab ku timid macnaheedu maaha dalka sidaan doonaan u galayaa, madaxweynuhu wuxuu diiday talladdii aan ku dhex dhexaadinay labada xisbi ee WADANI iyo KULMIYE ee ahayd in xubnahan sidooda u shaqeeyaan oo laba xubnood loogu kala daro labadda xisbi mucaarad”
Mar uu ka hadlayey hadii doorashadu dib u dhacdo waxay yeelayaan waxa uu yidhi “waxaa noo qorsho ah in aanu qabanqaabino oo aanu hirgalino shirkii wada tashi qaran oo aan u aragno badbaadina qaran ee lagu badbaadi karo”
Labada xisbi mucaarad iyo xukuumada ayaa aad u ugu kala fog qaabka loo gallayo doorashadda golaha Wakiilada iyo Golaha deegaanka, waxaanu madaxweynuhu ku doodayaa in aanu kala diri Karin komishanka balse xubintii khalad gasha uun laga saari karo, halka Xisbiga WADANI ku doodayo in la kala diro, xisbiga UCID na ku doodayo in xubnaha doorashooyinka la kordhiyo oo lagu daro laba xubnood oo ay qaataan labada xisbi mucaarad.

 

Hargeysa Online