Madaxweyne Biixi oo la kulmay wefti ka socda UN-ta iyo IGAD.
Posted by abdi on November 12 2018 00:32:56

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.


Extended News

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.

Weftigan waxa hogaaminayey Ku-xigeenka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee urur-goboleedka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxana la sheegay in labada dhinac kulankaas diiradda ku saareen arrimo door ah oo dhinacyada nabadgelyada iyo is-kaashiga ah.

 

Madaxweyne Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee ka kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, ayaa sidoo kale la sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha bani’aadam-nimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac.
“Weftigu waxay madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu ugu heellan yahay in xukuumadda uu hoggaamiyaa kor u qaaddo xidhiidhka ay leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo ergayga Somaliland u qaabilsan midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.


Hargeysa Online