XIDHIIDHKA SOMALILAND IYO ITOOBIYA.
Posted by abdi on November 21 2018 23:00:07

Waxaan in dhawad la isla dhex marayay in siyaasada arimaha dibada ee Somaliland noqotay mid saqiirtay, oo albaabada la inagu soo xidhay. 


Extended News

Waxaan in dhawad la isla dhex marayay in siyaasada arimaha dibada ee Somaliland noqotay mid saqiirtay, oo albaabada la inagu soo xidhay. Dadka sidan aamin sani, waxay sabab uga dhigaan in Raysal Wasaaraha Cusub ee Itoobiya Abey Axmed la kulmin Madaxwayne Muuse Biixi.

 
Haddaba, waa in aynu fahamno xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waxa uu ku salaysan yahay. Xidhiidhka aynu Itoobiya la leenahay waxaa uu ku salaysan yahay laba arimood, oo kala ah:
Isku socodka dhaqaalaha labada dal. Iyo
Ilaalinta amaanka gobalka.

Isku-socodka dhaqalaha labada dal.
Dalka Itoobiya waa dal wayn oo dadkiisu ku dhaw yihiin 100 Million, oon bad lahayn (oo Land lock country). Itoobiya waxay u bahan tahay in ay isticmaasho dakadaha dalalka jaarka ah, sida daradeed, waa in ay xidhiidh fiican la yeelato dalalka jaarka oo dhan. Dekada Berbera waa dekad la sii waynaynayo, si ay u isticmaalan badeecada itoobiya, khasatan deganada Somalida iyo Oramada.
Mida kale, dekada Berbera waa dekada kaliya ee Itoobiya ku leedahay sami (ama 19%). Dawlada Itoobiya waxay waydiisatay dalka Djabouti in ay sami ka siiso dekadaheeda, mar haddii ay iyagu isticmalayaan, kagana badaloto samiyo ay ka siiso sharkada Itoobiyan Airline. Djabouti way ka diiday soo jeedintani. Haddaba, samiga ay Itoobiya ku leeyihiin dekada Berbera waxuu ku dhiiri galinayaa dawlada Itoobiya iyo shicibkeeda in ay isticmaalan dekada Berbera. Teeda kale, heshiiska dekada Berbera ma ah, mid ay Somaliland oo kaliya la gashay, ee waa mid ay la gashay dalka Imaradka oo awood dhaqaale iyo siyasadeed ooy ku ilaaliso heshiiskani leh.
Dadka qaar ayaa ku dooda in saldhiga military ee Imaradka aanu wax faa’iido ah inoo lahayn. Kuwa sida u hadlayaa waa dad fahankoodu yar yahay. Waxa ayna fahmin in dekada Berbera ay ku soo xidhan doon maraakiib calamka iska gooshaya. Marakiibtani waxay sidan hanti badan oo dalal badan leeyihiin. Marakiibta qaar ayaa siddi kara kontaynaro badan (10,000 containers). Waxaa laga yaaba hantida uu markabkiiba sidan in lagu qiyaasi karo boqol malyuun oo dollar (100s millions of dollars). Haddaba, hantidani yaa amaankeeda damaanad qaadaya?
Ma waxaa damaanad qaadaya Somalida u dhaqmaysa, sida Cali-Baysteenka ah, ee isku haysta samiga qaybsiga xukuumada. Mise Somalida warashadii kaliya lahaayeen (Warshada sibidhka) iska burburiyay?
Haddaba, saldhiga Imaaradku waxu sugayaa amaanka marin biyoodka dekada, waxaanu damanad qaadaya maraakiibta iyo hantida marakiibta ee dekada Berbera isticmaalaya. Qofka ka soo horjeeda maalgashiga iyo saldhigan Imaaradku, waa qof aan wax badan fahansanayn oo jahila, ama qof xaasid ku ah horumarka Somaliland. Dadka qaba in heshiis ka fiican aynu heli lahayn, huuhaa looma bahne eh, maxaydun heshiiska golaha u keeni waydeen.
Mida kale, saldhigani wuxuu u quus goyay dawlada is-kusheega Somalia ee ina sheeganaysa, iyo dawlada Itoobiya ee sida tooska ah faraha ugula jirtay siyaasada Somaliland. Dawlad ku-sheega Somalia mudo ayay qaylinayeen, markii hadalkooda cidna ka dhagaysan wayday ayay iska aamuseen. Maantana, Somaliland aqoonsi wax uu kala maqan yahay oo badani ma jiro, mar haddii aad maal-gashina aynu heli karno, isla markana amaankaga (Illahay ka sakow) uu ciidankeena iyo dalalka maal-gashaday sugayaan. Marka Somaliland cidla ma joogto, go’doona kuma jirno. Kuwa Somaliland ayaa go’dooni lehi, waa dad aan waxba garanynin, fahansanayn sida uu calamku u shaqeeyo. Haddii, dhaqaalaheenu kor u kaco, nabada aynu sii adkayno, cid kasta way kula macaamili doonta, aqoonsiguna waa ina daan-wayne.
Dalka Taiwan ma ah dal la aqoonsan yahay, dalka Shiinaah (China) ee calamka ugu dhaqaalaha wayn, awoodiisa ciidan oo aad u sarayso, ayaa sheegta in ay tahay gobal ka mida. Hadana, Taiwan waxay Ictiraaf ka taqaano ma jiro. Awooda dhaqaale iyo ta ciidan ee Taiwan ma haystaan dalalbadan oo Aqoonsi haysta. Taiwan waxay ka dhaqaalo badan tahay dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya oo la isku daray.
Marka, haddii aanad dhaqaalo lahayn, oo dalalkale nabad galyadadada sugayaan. Muxuu Ictiraafku kuu tarayaa? Marka, haddii aanad dhaqaalo kugu filanayn, oo dalalkale ay kaabayan miisaniyada. Maxuu Ictiraafku kuu tarayaa? Xor ma tihid, Ictiraafkaaguna waa magac u yaal, haddii aanad dhaqaalo iyo nabad galyadada adigu ka masuul ahayn. Haddaba, Somalia way ka sii liidata dalalka Afrikanka, waayo Somalia waxaa nabadeeda suga ciidamo Afrikan ah oo calamku ku masruufo. Ciidamadani ma doonayaan in ay nabadi ka dhacdo Somalia, waayo dantooda waxay ku jiraa in ay qaraxyada iyo nabadgalyo daradu sii socoto, si aan musharkooda u sii socdo. Marka Illahay ayay leeyihiin dadka masaakiinta ah ee dadkani wax ma garatadu u talinayso.
Ilaalinta amaanka gobalka.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in saraakiisha ciimada amaanka iyo kuwa sirdoonku ay ku lug lahaayeen isku daygii dilka ra’iisal wasaaraha Itobiya Abey Axmed.
Teeda kale, waxaa shalay caasimada Itoobiya lagu qabtay hub ka soo galay dalalka jaarka ah, hubkani oo la rabay in lagu khal khaliyo nabad galyada Itoobiya.
Haddaba, XAQIIQADU waxay tahay in nabad galyada Itoobiya Somaliland ilaaliso. Haddii ayna Somaliland Illaalin lahayn, Adis Abab nabad laguma seexdeen. Waayo, cadawga Itoobiya waxay raban in ay isticmaalan bada dheer ee Somaliland leedahay. Hub iyo sanad badan kala soo degan si ay nabada galyada Itoobiya u khal khal galiyan. Cadawga Itoobiya waxaa kaw ka ah, nimanka xagjirka ah iyo kuwo kale ee doonaya in ay xukunka ka tuuran dawlada curdinka ah ee Abey Axmed.
Waxaa baryahayni wararka Somalida lagaga hadlayay kulamo ay wada lahaayen madaxwayne isku-sheega Somalia Farmaje, Raysal wasiirka Itoobiya Abey Axmed iyo Madaxwaynaha Eretria Isaias Afwerki. Haddaba, waa in la fahmo danta ay Itoobiya ka leedahay Farmaje.
Itoobiya iyo Eretria waxay dib ula soo noqdeen xidhiidhkii ka dhexeeyay. Sida daradeed, Itoobiya waxay doonaysa in ay isticmasho dekadaha gobalka oo dhan, ooy ku jiran kuwa Eretria. Hadaba, si maal galin loogu sameeyo dekada Eretria waa in cuna qabataynta laga qaado.
Cuna qabataynta waxaa Eretria loo saray:
Dagaal ka dhexeeyay iyaga iyo Itoobiya, taasi oo ay ka heshiiyen.
Eretria oo lagu eedaynayay in ay cawinaysay kooxaha argagaxisada ee Somalia ka dagalama. Iyo
Dagaalka u dhexeeyay iyaga iyo Djabouti.
Itoobiya waxay isku dayday in ay heshiiso Djabouti iyo Eretria. Lakiin way ku guulaysan wayday, marka Eretria diiday in ay ka baxdo dhulka ay ka haysato Djabouti, una soo celiso maxaabiista ay ka haysato.
Haddaba, Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed, isaga oo isticmaalaya Farmaje ayuu calamka ka codsaday in ay cuna qabataynta ka qaadan Eretria.
Farmajana isaga oo la tashan Madaxwaynaha Djabouti, Ismaciil Cumar Guuleed ayuu la soo saftay cadawga Djabouti. Sida oo kale, fadhiga golaha qaramada midoobay waxay dawlad isku-sheega Somalia ka dalbatay in cuna qabataynta hubka iyagana laga qaado, si ay u dhisantaan ciidankooda.
Haddaba, Jimciyada quruumaha midoobay (UN)shalay ayay go’aan ka soo sareen labada codsi. Waxaanay go’aamiyeen in cuna qabataynta ka qaadaan Eretria. Markay war bixin dheer ka dhagaysteen hay’ada Monitoring Group oo dusha kala socota arimaha Somalia, waxay go’aamiyeen in aan cunaqabataynta laga qaadin Somalia. Farmajo waxaa uu islahaa haddii cuna qabataynta laga qaado, ooy Qatar iyo Turkugu kaa cawiyan dhismaha ciidankaga. Marka gobalada is waal waalaya, xoog ayaad ku qabsan doonta, kadibna Somaliland qasab ayaad ku soo xeri gali doonta. Lakiin waxuu iloobay in aanu Calamku Farmajo oo kale aanu khiyaamayn karin. Wayo, Calamku way ogyihiin in aan dal uu xukuma aanu jirin. Haddii cuna qabataynta laga qaado, in hubka la siiyo dawladiisu ay kooxaha argagaxisada u gacan galayaan. Nabada gobalka gobalka oo dhan khal khal galayso.
Haddaba, waxaan maalin dhayd dhagaystay Faysal Cali Waraabo oon marar badan aan u arkayay nin fahansan siyaasada calamka, oo yidhi labada inana ee yar yar ee Xamar jooga ayaa siyaasada arimaha dibada inaga soo xidhay. Waxaan hadalka u arkay mid Faysal iska yidhi, oo dadka iyo dalka Somaliland meel ka dhac ku ah. Malaha cadhada iyo dagaalka ka dhexeeya Madaxwaynaha ayaa ka yeedhsiisay.
Dawlad isku-sheega Xamar ka jirta, waxaan qabaa in ay farah ka sii baxayso. Wiigkasta waxaa magalada Xamar ka dhaca qaraxyo midba mida kale ka sii daran yahay. Mida kale, waxaa wasiirka maaliyadoodu Somalia Golahooda Wakiilada u sheegay, in dalalkii mushaharka siin jiray ciidan koodu ay joojiyeen, iyaguna ayna lacag u hayn. Waxaa halka ka soo socdaana waa in kooxda arga gaxisada la wareegi doonto talada Somalia, haddii aan la helin dal ama dalalkale oo damaanad qaada mushaharka ciidanka Somalia. Waxaa inta u dheer, cashuurta kaliya ee Somalia laga qaado, waxaa ka qaada ururada argaxisada ah, kuwaasi oo samaystay hab maamul oo anshax iyo kala danbeyn leh, haddii ay sida ku sii socotan waxay la wareegi doona maamulka Somalia.
Waxaan kale oon mucaaridka ka maqlayay, in Puntaland ay Badhan ka dhisayso wado dheer oo Badhan ku xidhi doonta Ceerigabo, Jamacad, iyo xarunta Parliament-ka. Waxaa la yidhi “Riyo haday dib leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen.” Haddii Puntaland wax isla hayso Tuka- Raq ayay dib u-qabsan lahayd. Teeda kale, wiigi hore ayay ahayd, markii ciidamo ka cabanayay musharo la’aan, oo ka soo kicitimay jiida hore ee Tuka-Raq ay qabsadeen Airport-ka, Wasaarada Maaliyada iyo Banga dhexe ee Goroowe.
Marka ma ah “IN AYNU NIYADA ISKA KAADINO.” Haddii ay wax inaga qaldan yihiin, aynu ku mucaaradno, lakiin dalka aynu 27 soo wada dhisaynay ma ah in aynu dhulka jiid jiidno. Waxii xumada waa wax dhamaanteen inaga wada xumanaya.
Haddaba, haddii aanu nahay Bulshada Maraykanka dagan ee Somaliland, waxaan u hanbalyaynaa Peter J Pham oo loo magacaabay ergaga dalka Maraykanka uga wakiilka noqon doona dalalka la isku yidhaa great lakes (dalalkani ooy ka kooban dalalka East Afrika iyo badhtamaha Afrika). Waxaan laga yaaba in arimaha Somalia iyo Somaliland ay isaga hoos yimadaadan. Ninkani waxaa uu yahay dadka faro ku tiriska ah ee siyaasada arimaha dibada Maraykanka ee qarada Afrika laga waydiiyo. Waxaanu qoraalo badan ka qoray arimaha Somalia, iyo Somaliland. Peter J Pham wuxuu mudo dheer u olalaynayay siddii uu Maraykanku u Ictiraafi lahaa Somaliland. waxaan rajaynaynaa in Peter J Pham indhaha siyaasada arimaha dibada ee Maraykanka ku soo jeedin doona Somaliland.
Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, Itoobiya ma noqonayso dalalka safka hore ee ina Ictiraafi doona. Dawlada Itoobiya ma doonayso in ay dalalka jaarkeeda ah faragalin siyaasadeed ku samayso. Ma doonayso in dadka gobalka Somalida ee Itoobiya dagan u arkan in Itoobiya kala qayb qaybinayso Somalia. Haddaba, waxaa kula talin lahaa Madaxwayne Muuse Biixi in aanu wakhti iskaga lumin la kulanka Raysal wasaaraha Itoobiya. Waayo, la kulankiisu waxuu xidhiidhka labada dal ku soo kordhinaya ma jiro. Somaliland intay Itoobiya ka rabtay way haysataa. Haddii, kulanka Raysal Wasaaro Itoobiya wax inoo tarayo iminsa goor ayay Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo madax-waynayaasha Somaliland kulmeen?

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!!
OMAR A YOUSUF
OAKLAND, CALIFORNIA
Omaryousuf455@gmail.com