Agaasimihii Cadaaladda Somaliland oo maanta is casilay.
Posted by abdi on November 21 2018 23:08:13

Agaasimihii cadaalada qaranka Somaliland Xuseen Maxamed Lucky ayaa maanta is casilay, waxaanu eedeen usoo jeediyey madaxda sare ee Somaliland .


Extended News

Agaasimihii cadaalada qaranka Somaliland Xuseen Maxamed Lucky ayaa maanta is casilay, waxaanu eedeen usoo jeediyey madaxda sare ee Somaliland .

Xuseen Lucky ayaa ka mid ahaa weftigii madaxweyne Biixi ee ku sugnaa magaladda Burco, haseyeeshee ma sheegin sababta dhabta ah ee uu isku casilay.

 

“Waxaan xilkan agaasimaha Cadaalada hayey muddo ku siman sagaal bilood, sababta igu kaliftay inaan is casilo ayaa la is waydin karaa, waxaanan arkay nidaamkii dawliga ahaa ee dalka ka jira inuu noqday mid nidaam askari ah oo dhaqankii iyo haybadii dawladnimo lagu yaqaanay oo aad moodo inay gacanta ku hayaan koox aad odhan karto waa ciil qabayaal oo ninkii maalin eray ku yidhi ama ka qoray aan ilaawin oo ku aargoosanaya kursiga.”ayuu yidhi Xuseen Laki.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya Xuseen Laki isku casilay ka dib markii uu doonay inuu ka khudbadeeyo xadhig ka jarista jeelka Burco oo maanta uu madaxweyne Biixi fureyey balse loo diiday inuu ka hadlo, taas ayaa loo aanaynayaa inay sababtay inuu is casilo.

Hareysa Online