Faysal Cali Waraabe: Waxaanu aragnaa hadalkaasi madaxwynaha mid ay caadifadi ka keentay.
Posted by ifraax on November 22 2018 23:29:11

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu madaxweynuhu kaligii xaq ugu lahayn inuu joojiyo wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya.


Extended News

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu madaxweynuhu kaligii xaq ugu lahayn inuu joojiyo wada hadaladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana tallo qaran lagu furey wada hadalkaasi.

 

Waxaanu ku tilmaamay hadal caafimad ka keentay inuu si kadis ah iskaga dhowaaqo inuu joojiyo wada hadalkii u socday Soomaaliya, waxaanu sheegay in goleyaasha qaranku ogolaadeen in wada hadalkaasi bilaabmo, balse aanu shakhsi kaliya joojin Karin.

“Waxaanu aragnaa hadalkaasi madaxwynaha mid ay caadifadi ka keentay, wada hadalkaasi waxa la bilaabay 2012kii, waxa noo yeedhay oo tallada naga qaybgaliyey madaxweyne Siilaanyo, waxaana loo saaray guddi, ka dibna baarlamaanta u codeeyey oo go’aan qaran buu noqday, go’aan uu qof qudhi joojin karana maaha” ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

“Maaha nin inuu kaligii yidhaahdo aniga kaligay talinaya, dee hadii kale waa laga tashan hadii uu talada diido, waxa la yidhi soo kala dhamaysta idinka iyo Soomaaliya oo lagu xidhay hawlaheenii Soomaaliya, marka in si laab la kac ah cidi kaligeed u joojisa mid soconaysa maaha, waxaanu doonayna in kala tag nabadeed lagu kala tago, taasina waxay keenaysa in xidhiidh wanaagsan la samaynayo Soomaalida”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in gudoomiyaha golaha Wakiilada oo isna taageeray hadalka madaxweynaha ku tilmaamay hadal kaligii ku kooban oo aan golaha Wakiilada ku matalin.

 

Hargeysa Online