Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe.
Posted by abdi on November 26 2018 00:24:02

Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda Soomaaliya ilaa 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.


Extended News

Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda Soomaaliya ilaa 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Jubbada dhexe.

Duqeyntan ayaa ka dhacday gaar ahaan deegaan qiyaastii 11km u jira halka lagu magacaabo Hargeysa Yare oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, kaddib markii ay dhowr Gantaal lala eegtay goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.


Saraakiisha Al-shabaab ee kulanka ku sugnaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi,  Horjooge Waliid iyo kuwo kale oo intaa ka badan.

Duqeymaha diyaaradaha ayaa maalmihii ugu danbeeyayba joogta ka ahaa gobollada bartamaha iyo Koonfur dalka Soomaaliya, waxaana intooda badan fulinaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gobolka Mudug ku dilay todobaadyadii aynu soo dhaafnay tiro ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Hargeysa Online