Rahaf al-Qunun oo Canada ka degtay
Posted by abdi on January 14 2019 02:48:46

Gabar dhalinyaro ah oo ku xayirneyd garoon ku yaalla magaalada Bangkok ee dalka Thailand isla markaana ka soo baxsatay qoyskeeda kaddib markii sida ay sheegtay ay tacaddiyo u geysteen.


Extended News

Gabar dhalinyaro ah oo ku xayirneyd garoon ku yaalla magaalada Bangkok ee dalka Thailand isla markaana ka soo baxsatay qoyskeeda kaddib markii sida ay sheegtay ay tacaddiyo u geysteen ayaa ka degtay dalka Canada kaddib markii ay magan galyo ka heshay.
Rahaf Mohammed al-Qunun, oo 18 jir ah, ayaa dooneysay inay tagto dalka Australia iyadoo sii mareysa Bangkok, balse waxaa loo sheegay inay ku laabato Kuwait, halkaas oo qoyskeeda ay ku sugayeen.

 
Waxay diidday in dib loo celiyo waxayna isku soo xirtay qol ay ka degganeyd hoteel ku yaalla garoonka Bangkok, arrintaas oo indhaha caalamka soo jiidatay.
Waxay sidoo kale sheegtay inay ka baxday diinta Islaamka, taas oo xukunkeeda uu dil ka yahay dalka Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Canada Chrystia Freeland oo wehlineysa Rahaf ayaa sheegtay inay tahay gabar da` yar oo geesiyad ah, iyadoo sheegtay inay Rahaf daallan tahay, oo aysana woodin inay bulshada la hadasho.
Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa hore u sheegay in dalkiisa uu magangalyo siiyay gabadhaasi isagoo ka jawaabaya codsi uga yimid Qaramada Midoobay.
earlier told reporters that his country had granted a request from the United Nations High Commissioner for Refugees to grant asylum.
"Canada mar walba warkeeda wuu caddaa inaan u istaageyno xuquuqda aadanaha iyo tan haweenka ee dunida," ayuu yiri.


Sidee ayay Canada ku tagtay?


Waxay ka degtay Garoonka Caalamiga ah ee Pearson iyadoo Sabtidii ka soo duushay magaalada Seoul.
Waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay sawirro ay ku muujineyso inay diyaaradda saran tahay, waxayna ku soo qortay, "Hadafkeyga waan gaaray!"

Maxay u baxsatay?


Qunun ayaa hore BBC-da ugu sheegtay inay ka baqeyso in qoyskeeda ay dilaan.
"Dalkeyga waxba kuma baran karo kamana shaqeysan karo, sidaas darteed waxaan doonayaa inaan xor u noqdo inaan sidaan doono wax u barto una shaqeysto," ayay tiri.
Dhanka kale waxay Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegtay in tacaddiyo jireed iyo mid maskaxeed ay qoyskeedu u geysteen, kuwaas oo ay ka mid yihiin in muddo lix bilood ah ay qolkeeda ku xirneyd kaddib markii ay timaha iska jartay.
Qof qoyskeeda u hadlay ayaa BBC u sheegay inaysan dooneyn inay ka hadlaan arrinta gabadhooda, waxa keliya ee ay doonayaanna ay tahay badbaadadeeda.
Hay`adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan QM ee (UNHCR) ayaa sheegtay inay gabadhaasi u aqoonsan yihiin qaxooti, isla markaana ay soo dhoweynayaan go`aanka ay Canada ku suusay magangalyada.
Sidee ayay ku tagtay Bangkok?
Waxay la socotay qoyskeeda oo booqasho ku joogay Kuwait, markii ay ka soo baxsatay oo ay soo raacday diyaarad u socotay caasimadda Thailand, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay ka sii aaddo dalka Australia oo ay dal-ku-gal ka heysatay.
Balse waxay sheegtay in baasaboorkeeda uu ka qaaday diblomaasi Sacuudiga u dhashay markii uu la kulmay iyadoo ka soo degeysa diyaaradda xilli ay caga dhigatay Bangkok, taas oo sababtay inay garoonka ku xayiranto.
Ergay Sacuudi ah oo Bangkok ku sugan ayaa beeniyay in Sacuudigu uu wax lug ah ku leeyahay xiritaanka Qunun, baasaboorkeedana loo soo celiyay.
Saraakiisha Thailand ayaa kiiska gabadhaasi ku sheegay inuu yahay mid qoys, isla markaana loo celin doono Kuwait maalinta xigta.
Si kastaba, Qunun ayaa qoraallo taxane ah soo dhigtay barteeda Twitter-ka iyadoo codsaneysa in la caawiyo, kiiskeeda ayaa waxaa galay Human Rights Watch iyo weriyeyaal.
Thailand ayaa u oggolaatay inay joogto, Qaramada Midoobay ayaana qiimeysay codsigeeda magangalyo doonka ah.

Source BBC