Madaxweynaha Puntland oo amar ku bixiyay in la joojiyo daabacaada shillinka Soomaaliga.
Posted by abdi on January 14 2019 23:36:30

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo daabacaada lacagta shillinka Soomaaliga ah.


Extended News
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo daabacaada lacagta shillinka Soomaaliga ah, sida ku cad wareegto goor ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

Wareegtada ayaa ku socotay, Agaasimaha guud ee bangiga dowladda iyo  guddoomiyaha bangiga dowladda ,iyadoo la ogeysiiyay wasiirka maaliyadda Puntland, agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Puntland iyo taliska ciidanka booliska Puntland.


"Waxaa dhammaan mas'uuliyiinta warqadan sida tooska ah ugu socoto iyo ogeysiinta ku leh la farayaa in la joojiyey daabacaada lacagta shillin Soomaaliga ah nooc kasta oo ay tahay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2019, si kor loogu qaado nolasha shacabka reer Puntland iyo la-dagaallanka sicir bararka". ayaa lagu yiri wareegtada.
Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas oo maanta xilka wareejiyay ayaa horay u diidday dhowr mar oo ay warbaahinta waydiisay in lacag cusub uu maamulka daabaco.

Hargeysa Online