Soomaali baxsad ahaa oo xaaskiisa ku dilay Mareykanka oo laga soo qabtay dalka Panama.
Posted by ifraax on March 30 2019 12:25:27

Booliska magaalada San Diego ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen ninka lagu magacaabo Abdiaziz Kerow (45-jir), 


Extended News

Booliska magaalada San Diego ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen ninka lagu magacaabo Abdiaziz Kerow (45-jir),


kaas oo bil ka hor ku dilay xaaskiisa Muna Salad guri uga kireysnaa cinwaanka4000 block of Van Dyke Avenue.Eedeysanaha ayay boolisku sheegeen in laga soo qabtay dalka Panama ee dhaca qaaradda Ameerica, taariikhdu markey aheyd 20-bishan Maarso, waxaana ay intaa raaciyeen in uu iminka ju jiro xabsiga  San Diego Central Jail.Gabar la dhalatay Muno ayaa subaxnimadii 02 bishan Maarso markii ay walaasheed khabarkeeda weyday ku booqatay gurigeeda, halkaas oo ay ku aragtay meydka walaasheed oo qeybeheeda sare ee jirka kaga yaalaan dhaawac, waxaana ay halkaasi ku wacday boolisk.Tan iyo maalintaas, seyga Mudo ayaa baxsad ahaa, waxaana intaas lagu hayay baadi-goob kaas oo ugu dambeyn lagu soo qabtay.Booliska ayaa lacag dhan 5 milyan oo dollar sheegay in damaanad ahaan loogu sii deyn karo dambiile Kerow.