Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ah.
Posted by ifraax on April 13 2019 22:35:44

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay shalay la beegsadeen maleeshiyada ururka al-Shabab, meel ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose.


Extended News

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah ay shalay la beegsadeen maleeshiyada ururka al-Shabab, meel ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose.

War ka soo baxay talis ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay tuulo la yirahdo Garowle, 11-kii bishan, isla markaana ay ku dileen laba ka mid ah maleeshiyada argagixisada, mootona lagu burburiyay.


Qoraalka Mareykanka ayaa lagu yiri “dadaalada sii socda iyo duqeeymaha lagu wiiqayo al-shabab waxey qeyb ka yihiin Istaraatiijiyadda Mareykanka uu ku taageerayo hiigsiga Soomaaliya leh horumar dhaqaale, dowlad wanaag iyo hey’ado military oo xooggan.

"Waxaanu sii wadeynaa duqeeymaha aan la beegsaneyno qeybaha kala duwan ee hogaanka al-shabab. Duqeymahan suggan waxey qeyb ka qaadanayaa burburka hogaanka al-shabab, sidaasidan waxaa qoraalka AFRICOM ka soo baxay ku sheegay Maj. Gen. Gregg Olson, oo ah madaxa howlgaladda ee AFRICOM.

Talaadadii ayey aheyd sidan oo kale markii Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka geysteen meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe, halkaas oo ay ku dileen mid ka mid ah maleeshiyadii bartilmaameedku ahaa ee al-Shabab.

 

Hargeysa Online