Farmaajo iyo Al-siisi oo wada-hadal ku yeeshay Qaahira.
Posted by abdi on April 24 2019 06:55:02

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar.


Extended News

Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar,Cabdulfataax Al-siisi.

201942363691612009734569057650911_2193607474057052_300774425140133888_n.jpg

201942363691612016570755358378713_2193607567390376_9032539669161574400_n.jpg

201942363691612026368230758604197_2193607584057041_2679553194584965120_n.jpg

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag.

Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika.

  

Hargeysa Online