Fadhigii Maanta ay lahaayeen labada gole baarlamaan ee Somaliland oo buuq ku soo xidhmay.
Posted by abdi on May 02 2019 21:29:17

Fadhi Maanta oo ay wada lahaayeen labadda gole baarlamaan ee Somaliland ayaa maanta iskugu yimid sidi ay u meel marin lahaayeen go’aan uu madaxweynuhu.


Extended News

Fadhi Maanta oo ay wada lahaayeen labadda gole baarlamaan ee Somaliland ayaa maanta iskugu yimid sidi ay u meel marin lahaayeen go’aan uu madaxweynuhu usoo jeediyey oo ah in xaalad degdeg ah lagu soo rogo saddex degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag oo kala ah Gar adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.


Kalfadhigan maanta waxa hogaaminayey gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadirey 107 xildhibaan, haseyeeshee xildhibaanadu badankoodu way ka soo horjeedeen go;aanka madaxweynaha.

Shirgudoonku markii uu ogaaday inay badan yihiin xildhibaanadda go’aankan ka soo horjeedda ayaa kalfadhigi uu xidhay,isla markaana u balamay maalinta sabtidda ee soo socda.
Kalfadhigaasi la xidhay waxa ka dhashay buuq, waana markii ugu horeysay ee labada baarlamaan ka hor yimaado go’aan madaxweyne watay.
Go’aanka madaxweynaha ee xaaladda degdeg ah waxa taageersanaa illaa afartan xildhibaan, markii codadka ka soo horjeeda la arkay inay badan yihiin ayaa maalin ka dib loo ballamay.

Hargeysa Online