Raysul Wasaaraha New Zealand oo aqal gashay.
Posted by abdi on May 03 2019 21:33:42

Raysul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa waxaa guursaday nin ay muddo dheer wada socdeen, oo ah nin telefishin warka ka tabiya oo lagu magacaabo Clarke Gayford.


Extended News

Raysul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa waxaa guursaday nin ay muddo dheer wada socdeen, oo ah nin telefishin warka ka tabiya oo lagu magacaabo Clarke Gayford, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay.


Warka ku saabsan lammaanahaan is guursaday ayaa soo baxay kadib markii Ms Ardern lagu arkay xaflad dhacday Jimcihii ayadoo farta dhexe ee gacanta bidix uu ugu jiro faraanti Deyman ah.


Saxafigaan indhaha gorgorka ah leh ayaa yimid xafiiska Ra'iisul Wasaaraha si uu fasax ugu helo arrintaas.

Afhayeenkeeda ayaa dabadeed xaqiijiyey in lammaanahaasi ay isa soo dooneen ciiddii Easter-ka.

Sanadkii hore, ayaa Ms Arden waxa ay dhashay ilmihii u horreeyey ee lammaanahaasi ay isu dhalaan, oo noqday gabadh loo bixiyey Te Aroha.

Ms Ardern ayaa noqotay hoggaamiyihii labaad ee ilmo dhasha ayadoo xilka haysa. Waxaa ka horreeysay Benazir Bhutto, oo laba jeer Ra'iisul Wasaare kasoo noqotay dalka Pakistan.

Waxa ay sheegtay in hadda wixii ka dambeeya uu Mr Gayford qaadan doono kaalinta aabbonimo ee guriga.

"Aad iyo aad Ayaan u nasiib badnahay," ayay ku tiri Waraysi ay siisay Raadiyaha NZ.

"Waxaan haystaa lammaane i garab istaagi kara, kaas oo qayb wayn ka qaadan doona mas'uuliyad wayn sababtoo ah ,waa waalid, ee ma ahan qof carruurta haya."

Sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah, Ms Ardern iyo Mr Gayford ayaa markii ugu horraysay isku bartay xaflad abaalmarinno lagu bixinayey oo dhacday sanadkii 2012.


Hargeysa Online