Farmaajo iyo Maamul-Gobaylyada oo ku shiraya Garoowe Dulmi-land.
Posted by abdi on May 03 2019 21:42:17

Magaalada Garoowe waxaa maanta gaaray qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya. 


Extended News

Magaalada Garoowe waxaa maanta gaaray qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya. Waxaa kaloo tagaya madax ka socota dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre, iyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.


 

Maalinta axadda ah ayaa waxaa magaalada ka furmaya shir u dhexeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamul gobaleedyada dalka.

 

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad cusubi ka dhalatay sharci doorasho oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee dowladda Federalka Soomaaliya.

 

Hargeysa Online