Qoyska haweeneydii uu toogtay askariga soomaali-mareykanka oo magdhow 20M la siinayo.
Posted by abdi on May 05 2019 09:23:24

Qoyska Justine Ruszczyk Damond (40-jir) ee uu toogashada ku dilay askariga soomaali-mareykanka magaalada Minneapolis sannadkii 2017-ka.


Extended News

Qoyska Justine Ruszczyk Damond (40-jir) ee uu toogashada ku dilay askariga soomaali-mareykanka magaalada Minneapolis sannadkii 2017-ka ayaa la siinayaa magdhowdii ugu badneyd ee gobolka Minnesoga laga baxsho abid.

 
Lacag dhan 20 milyan oo dollar ayaa sheegay in ay magdhow ahaan u helayaan qoyska, waxaana lacagtan bixinaya maamulka magaalada Minneapolis oo caasimad u ah gobolka Minnesota.
Aabaha dhalay gabadha iyo walaalkeed oo ka hadlayay magdhowdan la siiyay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay wax weyn ka baddelidoonta qaabka uu booliska gobolka u shaqeeyo.
15-kii bisha july ee sannadkii 2017-ka ayay aheyd markii gabadhan la dilay ay booliska u wacday xilli ay ay ku wargelisay in gurigeeda gadaashiisa uu ka dhacayo fal kufsi ah, waxaana la toogtay iyada oo booliska bannaanka gurigeeda ku sugeysa, iyadoona lagu khalday dambiilayaasha.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Maxamed Noor oo ah askariga dilka geystay lagu helay faldambiyeedka dilka haweenaydan.


Hargeysa Online