Xaaji Cabdi Waraabe oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Posted by abdi on May 10 2019 20:20:26

Allah ha u naxariisto Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ahaa xildhibaanka ugu da'ada weyn Golaha Guurtida Somaliland.


Extended News

Allah ha u naxariisto Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ahaa xildhibaanka ugu da'ada weyn Golaha Guurtida Somaliland.


Marxuumka oo ahaa mudanaha ugu da’ada weyn Golaha Wakiilada ayaa da’adiisa lagu qiyaasay inay ka badantahay 100 sano.

Wuxuu ahaa hogaamiye dhaqameed ka qayb qaatay soo afjarida colaadihii u dhaxeeyey beelaha Somaliland 1990-maadkii.

Geerida Marxuumka ayaa si weyn looga dareemay magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Gobolada Somaliland, iyadoo dad fara badan ay buux dhaafiyeen gurigiisa oo ku yaala Hargeysa si ey tacsida u gutaan.

 

Hargeysa Online