Xukuumadda iyo xisbiyada oo karaamadii ka xayuubiyey qaranka Somaliland
Posted by abdi on May 17 2019 06:43:18

Xukuumadda iyo xisbiyada oo karaamadii ka xayuubiyey qaranka Somaliland. Laba professor oo waali cas u saaray xili aan loo fadhiyin iyo umadda oo isku ciil kaanbiyeysa halka tacabkoodii lala marayo.


Extended News

Waxaa hubaal ah in ay bulshada Somaliland maanta u muuqato in wadankii galay xaalad cakiran, oo ay lagama maarmaan tahay in laga wada arinsado.

 

Aynu ku horeyno labada macalin ee waayahan wadanka dhexdiisa ka bilaabay, wax ay ugu yeedheen tabliiq siyaasi.  Marka ugu horeysa labada macalin waxaa haysta dhibaato ama caado ku habsata macalimiinta- malaha qaarkood uun.  Madaama ay macalimiintu inta badan wakhtigooda la qaataan dad aad ugu da’ yar ama aad uga aqoon iyo khibrad hooseeya, waxay dadka oo dhan moodaan in ay ardaydoodii yihiin, oo ay dadku ku qasban yihiin in ay iyaga dhegaystaan.  Labadan macalin waxaa taa u sii dheer, in siyaasaddan ay leeyihiin dabliiq baanu ka nahay, ay iyada lafteeda ku saaqideen oo umaddu kawada war qabto waxay isla soo mareen.  Waxaana la iswaydiin karaa qofku waxa uu damiin (saaqid) ku yahay, tabliiq maka noqon karaa!  Waxay labaduba si wajigabax -nimo ah ugu guul daraysteen tan (siyaasadda) ay maanta ka tabliiqayaan. Iyadoo aanay jirin wax la taaban karo oo ay qarankan Somaliland ku soo darsadeen, dhib ay hore ugu geysteen mooyaane, ayey hadana waxaabay u hadlaan in midkooba Somaliland-ta dhan la miisaan yahay.  Waxaad hadaladooda ku dhex arkaysaa (aniga iyo Somalilad). Cajiib!  Goorma ayuu shaqsi inaga mid ahi, la miisaan noqday Somaliland-ta umadda oo dhami wada leedahay. Waxa weedhaha noocaas oo kale ah laga fili karaa qof isbidaya in uu tacab ka galay Somaliland. Inkastoo waxa aad u qabato dalkaaga ay iyaduba nusqaan ku tahay qofka sheegta ama ku faanfaana.Wixii umaddu kuu garato waa halkeeda.  Labada maclin iyagu waxay Somaliland-ta taraan iska daayoo waxay umaddu ka war haysaa in aanay waxba ula hadhin sidii ay u curyaamin lahaayeen una daadifayn lahaayeen hamiga dadkooda. Wakhtigaa ay iyagu dagaalka kula jireen Somaliland, muwaadiniintii ka hortaagnaa ee Somaliland difaacayey, ayaan daro, sidooda roogag cas cas meel walba looma dhigin.  Waxay ku ganacsan yihiin in ay umaddoodii wixii ay u qaban karayeen u qabteen.  Intaas ayaa ku filan, waxaana kali ah ee ay rajaynayaan in ay Somaliland maalin uun dhaqaaqdo iyagoo nool.  Macalimiintani wax ay inagu soo biiriyeen ma hayno.  Waxa hubaal ah in lagu jiro wakhti aan waxba laga xishoon, lana xeerin.Waa wax runtii laga xishooda ah, in nin wayni umad hortood la soo istaaago aniga, aniga iyo aniga oo madhan.  Sida warka lagu hayo waxay labada macalin wax kasoo barteen qaybo cilmiga dhaqaalaha ka mid ah, hadana Somaliland-taa la ciirciiraysa siday u maamulan lahayd dhaqaalaheeda yar ee ay hesho, ma aragno iyagoo leh waxaan u soo bandhigaynaa xal dhaqaale oo wadanka wax tar u leh.   Muwaadin kasta oo reer Soamlaild ah, waxaa looga fadhiyaa in wxiii uu ku soo kordhin karo, waddankan cuna qabataynta noocyada badan ee dadban  uu aduunwaynuhu saaray, uu ku soo kordhiyo. Umaddu waxay xusuusinaysaa labada macalin in dad badani ay garanayaan inta ay la hor tagtaan yihiin dhaliyarada Somaliland ee ay ugu yeedheen tabliiq siyaasad.  Waxaa hubaal ah, oo la ogyahay in dad badani idinkaga fiican yihiin siyaasadda laakiin idinka macalinimada ayuun baa idin kilkilaynaysa.  Waxaa umadda u muuqata in aad siyaasiyiin badan oo nooc walba leh aad la gasheen heshiisyo dhinacyo badan leh, kuwa gaara iyo qaar heer qaran ahba.  Haddii siyaasiyiinta qaarkood ay awrtooda idinku kacsadeen, waa siyaasadan aad ku dawakhdeen iyo camaladeeda, ee ha u cadhoonina dadkiina.  Wadankeenu meel fiican ayuu inoo marayaa, marka la eego itaalka shacabkeena, wax aad u badanina waa inoo hadhsan yihiin.  Umaddu, Somaliland la wada leeyahay ayuu hamigoodu ka siman yahay.  Waa la gaadhi hamigaa, waana lagu qasban yahay.

Somaliland iyadoo aduunwaynaha xaqeedii ka baryeysa in ay iyada dhexdeedii xaquuq, cadaalad iyo sinaan iska duudsidaa ama iska baridaa, waa wax aan macno samaynayn.  Caruurta ayaa bisaylkeeda gaadhay oo og manta, in aan cidina intay qof kale xaqeeda qaadato aanay ku ladayn.  Hadafka ummadani leedahay waa mid ka fog halkan aynu maanta marayno.  Waxaa suurto gal ah in xukuumadda maanta joogtaa ay la iman kari waydo ku dhac lagu saxayo wax kasta oo ay Somaliland kala tabanayso, laakiin mar ay ahaataba umaddan yoolkeedu waa in ay gaadho sinaan, cadaalad, walaaltino iyo qaran ul iyo diirkkeed ah.  Sidaas darted, reer Somaliland meel uma hayaan, kamana mid noqon karaan, shaqsi, cid ama reerba laga yaabo in ay ku hamiyi karaan in ay inta kale xuqooda duudsiyaan.  Labada macalin waa in ay fahmaan, tani (Somaliland) in ay wali tahay curdin aan gujo iyo hantaaqo xamili Karin. Iyadoo aduunwaynuhu cunaqatayn dadban ku hayo, ayey bulshowaynteeda oo u dhami ay hareeraha saf uga wada taagan yihiin, oo marka ay liicdo, ay ku noolaynayaan oo ku kabayaan maal gashi, cilmi gashi, caqli gashi iyo wax kastoo ay u heli karaan.  Walaalayaal safka soo gala, waxaad wadankiina ku soo biirin kartaan, waa la idiinka fadhiyaa.

Way muuqataa wakhtigan in ay jirto xukuumad tahli kari la’ in ay umadda midayso.  Wakhtigan waxay umaddu guud ahaan, tabaysaa hogaan leh xirfad uu ku midayn karo shacabka walaalaha ah, si uu muwaadin kastaa danihiisa uga dhex arko wadankiisa.  Wax, lagu tabco waxaa ugu qaalisan dadka oo la dhiso maskax ahaan.  Waxaad moodaa, hogaanka talada hayaa in ayna u muuqan in ay taa tacab galiyaa. Balse iyagu ay horumarka u yaaqaanaan, daaro iyo dariiqyo la dhiso. Waxay umaddu u soo jeedinaysaa dawladdan sida habqanka ah hawlaheeda u gudata, in ay umadda wax waydiiyaan oo aanay talada dalka kaligood isku koobin. Waar, talada Somaliland qof iyo laba toona tunka uma ridan karaan.  Waar, ma xamili kartaan miisaanka intaa leeg.  Karti aad ku maarayn kartaan culayskaas bulshada uma muuqato.  Waxay bulshada reer Somaliland ku soo tacabayeen wakhtiga dheer ee sideed iyo labaatanka sanadood qaatay, yeyna gacmihiina ku burburin. Xukuumadda, waxaa looga fadhiya in ay soo saarto umad isku duuban, isku jiidh ah, isku dareeen ah, iska raali ah, is ixtraamta oo qadarisa.

Waxaa wax lala yaabo ah in xisbiyada qaranka iyo xukuumadu ay xal lagaga gudbo is marin waagan ay la iman kari la’ yihiin muddo labo sano ah.  Waxay tani caalam siin kartaa fikrad ah, in aynaan tashan Karin, oo in aynu tashano karideeda aynaan lahayn.  Qaranka Somaliland ma qabato in aad la soo horfadhidaan ma heshiin karno. Iyadoo ismarin waagan eediisu ay dhabarka u ridayaan xisbiyada iyo xukuumadduba, hadana waxuu xilka dhabta ahi saaran yahay xukuumadda.  Umddu ma gaydo in garnaqsi iyo anaa gar leh lala soo hor taagnaado.  Umaddu waxay xukuumadda manta joogta uga fadhidaa in ay qabsoonto doorashadu wakhtigii loo qabto.  Waxa idiin yaala in aad milgaha dawladnimo ee la idiin dhiibtay aad sideeda umadda ugu ilaalisaan.   

Gaba gabo, Wadanku wuxuu manta taagan yahay xaalad cakiran oo u baahan in si mug leh looga wada arinsado.  Meelaha wakhtigan xalka deg dega ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah: Xukuumadda iyo xisbiyadii oo wada shaqayntoodii istaagtay.  Wada hadaladii xukuumadda iyo Khaatumo oo iyaguna istaagay.  Dhamaan hay’adihii dawliga ahaa oo wakhtigoodii wada dhacay, Tan Madaxwaynaha ayuun baa xalaal ah, inta kale waa sahrci daro.  Iyadoo hawlaha miisaankaa leh ay inoo yaalaan, in aynu ku meeraysano arimo yar-yar waa inoo doqonimo.  Bulshada Somaliland waa inay toosaan oo ay ka feejignaadaan arimahan isbarkaday ee ilaa imika xal muuqda loo la’ yahay.  Maanta, Somaliland muwaadiniinteeda hiil ayey uga baahan tahay.  Xilka qaran, waa inuu diraa shaqsi kasta oo reer Somaliland ah.  Somaliland ha la badbaadiyo maanta.

Alahayoow, shacabkan Somaliland ee xariirta ah, samirkooda iyo dulqaadkooda u sii siyaadi.  Aamiin.

Abdirizak Ahmed Jama

Calgary

rizakj@yahoo.com