Safiirka Midowga Afrika oo Kismaayo maanta gaaray.
Posted by abdi on May 21 2019 22:55:57

Safiirka Midowga Afrika oo Kismaayo maanta gaaray ayaa beeniyay in isbeddel lagu sameeyay ciidammada AMISOM ee halkaa ku sugan.


Extended News
Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland ,Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku qaabilay magaalada Kismaayo wafdi uu hoggaaminayo safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya ,Francisco Caetano Madeira ,taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo mas'uuliyiin kale.

20195216369403226768774572.jpg

20195216369403227473938761.jpg

20195216369403229573690724.jpg

20195216369403230333394755.jpg

 
 

Kulan gaar ah kaddib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweynaha Jubbaland   iyo danjire Madeira,iyadoo madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo waddooyinka ay xireen kooxda al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in arrimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay in hay'adaha amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga doorashooyinka.
Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii ciidammada Soomaalida loogu wareejin lahaa amniga dalka waxaa uu intaas ku daray in wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is beddel  lagu sameeyay ciidammada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhammaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen.
" Ma aha wax jira hadallada ku aaddan in isbeddel lagu sameeyay ciidanka AMISOM, dhammaana ciidammada waxay joogaan halka ay horey u joogeen.. imaatinkeenna Kismaayana wuxuu la xiriiray sidii aan warbixin uga siin lahayn madaxweynaha Jubbaland go'aankii golaha amniga ee la xiriiray in ciidammada Soomaaliya lagu wareejinayo amniga." ayuu yiri safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya .
Madeira , waxaa xaqiijiyay AMISOM inaysan arrimaha siyaasadda ee Jubbaland faragelin doonin oo wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.
Hadalka wakiilka Midowga Afrika ayaa meesha ka saaray hadalheyn ku aaddaneyn in ciidammo Itoobiya lagu wareejinayo amniga ama xataa goobaha muhiimka ah ee garoonka diyaaradaha Kismaayo uu ka mid yahay lagu wareejinayo ciidammo dheeraad ah.

Hargeysa Online