Qaraxyo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.
Posted by ifraax on June 15 2019 22:10:47

Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxana uu ka dhacay isgoyska Sayidka gaar ahaan goob lagu ilaaliyo Golaha Shacabka.


Extended News

Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxana uu ka dhacay isgoyska Sayidka gaar ahaan goob lagu ilaaliyo Golaha Shacabka.


Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo gaariga qarxay rasaas ay ku fureen ciidamada ammaanka kahor inta uusan qarxin.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa ka ag-dhow Xarumaha Wasaaraddaha  Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale xarunta Golaha Shacabka.

Qaraxa Labaadna uu ka dhacay Meel ku dhaw Bar Control oo Ku taala Wadada Aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho. 

Hargeysa Online