Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo lagu aasay Qaahira.
Posted by abdi on June 18 2019 21:23:07

Meydka madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa deg deg loogu aasay magaalada Qaahira saacado yar ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad..


Extended News
Meydka madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa deg deg loogu aasay magaalada Qaahira saacado yar ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad qaadeysay dacwado loo heystay.
 
Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa aaska ka qaybgalay.
 
 

Waxaa loo diidday in ay maydka qaataan si ay ugu aasaan deegaankii uu ku dhashay bulshaduna uga qayb qaadato aaskiisa.

Madaxweynahan hore oo diinta Islaamka ku dhaganaa ayaa xabsi ku jiray lix sanno ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013.
 
Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda ayaa ku baaqay baaritaan dhexdhexaad ah lagu sameeyo geeridiisa, waxayna intaas ku dareen in su’aalo badan ay ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray.
Madaxweyne Mursi ayaa waxaa xalay salaad janaaso ah loogu tukaday masaajidka barakeysan ee Al-aqsaa oo ay isugu soo baxeen falastiiniyiin badan oo ka murugeysnaa geeridiisa.

Hargeysa Online