Aqalka Hoose oo meel mariyay qaraarka jago ka xayuubinta Trump.
Posted by abdi on November 04 2019 09:18:02

Aqalka Hoose ee Koongareeska Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah u furay baaritaanka lagu samaynayo haddii uu Madaxweyne Donald Trump.


Extended News

Aqalka Hoose ee Koongareeska Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah u furay baaritaanka lagu samaynayo haddii uu Madaxweyne Donald Trump ku kacay falal ka baxsan awoodihiisa dastuuriga ah.


Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey in mar uu bishii Luulyo ee aynu soo dhaafnay uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku cadaadiyey inuu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Biden ayaa hogaaminaya musharraxiinta xisbiga Dimuqraadiga ah ee u baratamaya ku guuleysiga musharraxa xisbiga ee doorashada madaxtinimo ee sanadka danbe.

Madaxweyne Trump ayaa ku adkaysanaya inuusan cadaadin madaxweynaha Ukraine. 


Hargeysa Online