Iska hor-imaad maanta ka dhacay Boosaaso oo u dhaxeeya labo maleeshiyaad..
Posted by ifraax on November 13 2019 21:22:46

iska hor imaad ku dhexmaray ciidamada amniga Puntland iyo maleyshiyaad ka amar qaata Ciise Maxamuud Yuusuf.


Extended News
Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray ciida amndamaiga Puntland iyo maleyshiyaad ka amar qaata Ciise Maxamuud Yuusuf "Yulux"oo horey u ahaan jiray horjooge katirsanaa kooxihii burcad badeeda Soomaalida.

Iska hor imaadka oo ka dhacay kantaroolka laga galo magaalada Bosaso, ayaa sida aan wararka ku helayno waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada dagaalamayay.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ciidanka maleyshiyada ah loo diiday inay magaalada la galaan gaadiid dagaal oo tiradoodu lagu qiyaasay ku dhawaad 20 Tigniko iyo ciidamo u abaaulan hab beeleed.

Lama oga inta uu le'eg yahay khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka, waxaana masuuliyiinta gobolka Bari oo aan la xidhiidhnay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan mashaqadaan cusub.
Isku dhacaan ayaa saameyn ku yeeshay magaalada Bosaso, oo wayaahan dambe ay ka jirtay xiisad ka dhalatay warar ku saaabsan in maamulka Puntland uu meesha ka saarayo shirkad gaar loo leeyahay oo haysata qandaraaska addeega ciiddanka badda Puntland ee uu taageero Imaaraatku.
Shirkadan oo la yiraahdo PDG (Puntland Development Group), ayaa waxaa iska leh ganacsade kasoo jeeda gobolka Bari oo lagu magacaabo Bashiir Cabdullaahi Saalax-Deer.

 

Hargeysa Online