Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Dalka Japan.
Posted by ifraax on November 21 2019 21:58:29

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya.


Extended News

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya.


Danjiraha Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu.

 

Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Dowladda Japan waxa ay balan qaaday in ay qeyb ka noqon doonto qorshaha dowladda ee ku wajahan sidii xal waara loog heli lahaa dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha Wabiyada, dhawaanna ay gargaar gaarsiin doonaan dadka ku dhibaatoobay fatahaadaha.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha Boqortooyada Japan uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Horie Ryoichi xilka loo magacaabay, waxa uun tilmaamay in uu soodhaweyn wanaagsan kala kulmayo shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

 

Hargeysa Online