Qarax Maanta ka dhacay magaalada Mogdisho ay ku dhinteen 100 Qof.
Posted by ifraax on December 28 2019 22:19:49

Waxaa saacad walba isa soo taraya warka ku saabsan Khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay Qaraxii subaxnimadii hore ee saakay lagu bartilmaameedsaday.


Extended News

Waxaa saacad walba isa soo taraya warka ku saabsan Khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay Qaraxii subaxnimadii hore ee saakay lagu bartilmaameedsaday Isgoyska mashquulka badan ee Ex-Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho.


Dhimashada ayaa lagu waramayaa in ay gaareyso 100 ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka iyo Isbitaallada la geeyay meydadka iyo dadka ku dhaawacmay Qaraxa.

 

Isbitaalka Madiina oo kaliya ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 80 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.

Waxaa soconaya baadigoob wali dadka qaar ay ugu jiraan Ehel ahaayeen oo ugu war danbeysay ka hor inta uusan Qaraxu dhicin Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, khasaaraha ugu badanna waxaa uu soo gaaray Ardey ku safreysay Bus goobta mararayay.

Mid ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in marka la eego saameynta Qaraxan uusan waxba ka duwaneyn kii 14kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Hargeysa Online