"Farmaajo’’ Jubbaland Kenya ma'aha waa in Kenya fara-galinta ka deysaa Jubbaland.
Posted by ifraax on February 14 2020 13:34:28

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Wareysi gaar ah siinayay TV Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.


Extended News

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Wareysi gaar ah siinayay TV Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ciidamada dowladdu ay geysay gobolka Gedo, fara-galinta Kenya iyo waliba doorashadii ka dhacday Jubbaland.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mas’uul ka tahay sida uu hadalka u dhigay guud ahaan Amniga dalka iyo difaaca xudduudaha isaga oo ku eedeeyay dowladda Kenya in ay fara-galin gaar ah ku heyso qeybo ka mid ah gayiga Soomaaliya.

 

‘’Kenya maxaa ka galay Jubbaland, waxba kama galin faragalinna kuma sameyn karto, arrin ayaa naga dhaxeysa oo Badda ah waadna ogtihiin arintaa meel walba ayeey u mareysaa siddii ay saameyn ugu yeelan laheyd gaar ahaan Jubbaland oo ay dooneyso in ay gaashaan ka dhiggato’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay in marnaba aysan raali ka aheyn in Jubbaland u ekaato meel loo isticmaalayo burburinta dowladda iyo dhibaateynta Soomaaliya ‘’ Qof kasta oo rabitaanka noocaa ah aqbalsan waxaan u arkeynaa qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneynin’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in markii hore dowladdaha dareyska qaarkood isku adeegsan jireen madaxda Soomaalida dhaxdooda gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, laakiin waxaa uu sheegay in iyagu markii ay taa fahmeen hadda loo wareegay dhinaca Dowlad Gobolleedyada oo loo adeeg-sanayo sidii dowladda loogu fashilin lahaa.

‘’Dowlad Gobolleedyada oo idil ma’aha Mid ama Labo ayaa la dhihi karaa, gaar ahaan Jubbaland oo aan wali annaga doorashadii ka dhacday aqoosaneyn’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili wali uu jiro khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhaxeeya dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland oo isku dhinac ah iyo Dowladda dhexe ee Federaalka, iyadoo arintan ay marar badan ooh ore isku dayeen in ay soo afjaraan xubnaha beesha caalamka ee taageerrada siiya Soomaaliya oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay madaxda dowlad gobolleedyada iyo Dowladda dhexe intaba.

 

Hargeysa Online