Madaxweyne Hosni Mubarak oo geeriyooday.
Posted by abdi on February 25 2020 22:44:14

Madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 91 jir, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda, Talaado.


Extended News

Madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak ayaa geeriyooday isaga oo ahaa 91 jir, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda, Talaado.


 

Wiilka Mubarak, Alaa Mubarak ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Subaxdan, aabahay, madaxweyne Mubarak wuu geeriyooday”.

 

Mubarak ayaa muddo la xarbinayey xanuun, waxaana dhowaan loo gudbiyey qeybta daryeelka dadka xaaladdoodu liidato ee isbitalka.

 

Mubarak ayaa waxa uu Masar xukumayey muddo 30 sano ah ka hor inta inta aan xukunka looga tuurin dibad-baxyo waa weyn oo dalka ka dhacay sanaddii 2011.

 

Waxa uu xabsi ku jira sanado kadib kacdoonkii lgu riday, hase yeeshee waxaa lasii daayey sanaddii 2017 kadib markii lagu waayey inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

 

Hargeysa Online